Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ee Banbooyinka Waaweyn Xanbaara oo Dul Maray Xeebaha Bari ee Kuuriyada Waqooyi & Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi oo Tilmaan ka Bixiyey Shakhsiyada Madaxweyne Trump
New York 25. September 2017 (SDN/QJ):- Diyaaradaha dagaalka ee bambooyinka waaweyn xambaara ee Maraykanku ayaa dulmaray meel u dhow xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay inay ahayd dhoolatus ay wasaaradda difaaca Maraykanku ku muujinaysay ilaa heerka ay gaadhsiisan tahay awoodda Maraykanka iyo go’aamada uu qaadan karo madaxweyne Trump.
Pentagonka ayaa sheegay in talaabadan ay ahayd mid muujinaysa talaabooyinka dhinaca dagaalka ee uu madaxweynuhu kala dooran karo haddii ay halis ka timaaddo dhinaca Kuuriyada Waqooyi.
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa gaadhay halkii ugu fogayd ee dhinaca Kuuriyada Waqooyi ee ay gaadhaan tan iyo bilawgii qarniga 21aad.
Dhinaca kalena, wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi oo ka hadlay fadhiga loo dhanyahay ee qaramada midoobay ayaa aflagaado iyo cambaarayn u miisay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Ri Yong Ho ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu jawaab cad siinayo madaxweynaha Maraykanka oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof dhinaca maskaxda ka xanuunsanaya oo isla weyn.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in haddii ay dhintaan dad rayid ah oo maraykanka ah ina arrintaasi uu mas’uuliyadeeda yeelan doono madaxweyne Trump oo hore ugu hanjabay kuuriyada waqooyi inuu burburin doono.
Wasiirka ayaa sheegay in 8-dii bilood ee uu Trump talada hayay uu aqalkii cadda buuq iyo sawaxan ka dhaliyay, isla markaana uu doonayo inuu golaha Qaramada Midoobay ka dhigo mid u dhaqmaysa sidii Kooxaha maafiyada oo lacag iyo dhagar laga shaqeeyo.
Sidoo Kale Madaxwayne Trump ayaa ka jawaabayay hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kuuriyada waqooyi Waxaanu xusay in Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi aanu sii Jiri doonin hadii uu joojin waayo ficilada uu wado
Xiisadda ayaa sii kordhaysay tan iyo intii ay xukuumadda Pyongyang ay tijaabisay hubka Niyukleerka.
Iyada oo ay jirto hadalada kulul ee la is waydaarsanayo ayaa hadana khubarada ka faaloota Siyaasada Maraykanka Iyo Kuuriyada Waqooyi waxay Meesha ka saareen Suurto galnimada dagaal dhex mara labada dhinac.