Mid Ka Mid ah Wargaysyada Imaaraadka oo Iftiimiyey Sida uu Caalamku ugu Fashilmay Qalalaasaha Liibiya ka Taagan
Dubai 25. September 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska al-khalij ee dalka isutaga imaaraadka Carabta ayaa sheegey inay Caalamku ku fashilmeen xal ka gaadhista dhibaatada iyo deganaansha la’aanta ka aloosan dalka Liibiya.
Wargeysku waxa uu tilmaamay in halkii Caalamku tallaabooyin horuumara u qaadi lahaayeen xal ka gaadhista dhibaatada dalka Liibiya ay jiho khaldan u socdaan, taasina ay markhaati u tahay sida uu wargeysku yidhi, inaan lagu guulaysan furdaaminta xaalada cakiran ee dalkaasi ka taagan.
Wargeysku oo hadalkan ku baahiyey cadadkiisa shalay soo baxay waxa uu intaa raaciyey in rajadii laga qabay in dalkaasi mar kale uu dib ugu laabto xasiloonidii iyo deganaanshii ay rajadaasi u muuqato mid aanay waxba ka soo naasa-cadayn, waxa wargeysku soo jeediyey in ay haboon tahay in dalalka Mandaqada iyo Caalamkuba ay u hagar baxaan xal ka gaadhista dhibaatada dalkaasi ragaadisay.