|

Qaxoonti Kuurdiyaan ah oo Ku naf waayay Kadib Markii ay la Degtay Doon ay ku Safrayeen & Baadi Goob Weli Socda

Istanbul 25. September 2017 (SDN/QJ):- Kow iyo Labaatan qof oo u badan Qaxoonti kurdiyiin ah ayaa ku dhintay ka dib markii doon ay ku safrayeen kula qaraqantay Badda Madaw ee dalka Turkiga.

Wakiilka Ururka Qaxoontiga Ciraaqiyiinta ee dalka Turkiga jooga Rowsi Casiis ayaa sheegay in kow iyo labaatan qof oo qaxoonti ahaa oo u badan Kurdiyiini ay ku qaraqmeen Badda Madaw Baadi goobna loogu jiro dadkii kale ee la socday kuwaasoo aan ilaa hadda Raq iyo Ruux midna aan la haynin.

Rawsi Casiis waxa uu intaa raaciyey in dedaal loogu jiro sidii dadkan dhintey ee kurdiyiinta ah  maydadkkooda loo geyn lahaa Gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq ee ay ka soo safreen.

Gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq ayaa waxa beryahan danbe aad u kordhay dadka sida sharci darrada ah uga tegaya iyaga oo beegsanaya inay galaan dalalka qaarada yurub oo ay bidayaan in nolol tan ay ku sugan yihiin dhaanta  inay ka helayaan.

Comments are closed