|

Dawladda Soomaaliya Oo Qalabka Saadaasha Hawada Rakibtay Iyo Aamusnaanta Somaliland!!

Muqdisho 21. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Xadhigga ka jaray isticmaalka qeyb kamid ah qalabkii loogu talagalay in lagula socdo saadaasha hawada, taasi oo qayb ka ah Qalab lagu Maamulayo Hawada Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.

Munaasabadda xadhigga lagaga jarayay qeybtan cusub oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad, ayaa sheegay inuu qalabkani qeyb ka yahay maamulka Hawada Soomaaliya,isagoo Xadhigga si rasmi ah uu xadhigga uga jaray qalabkaasi oo si gaar ah u qaabisan qeybta Saadaasha Hawada, waxaanu hadal uu halkaa ka jeediyey ku yidhi “Qalabkani waa Tallaabadii ugu horreysay ee aynu Maamulka Hawada Soomaaliya kula soo wareegayno, Qalabkani Waxyaabihii la nagu xidhay ayuu ka mid ahaa, ILAAHAY Mahaddii Maanta wuu shaqeynayaa, wax Xogta (Hawada ah) oo aynu Dalka dibaddiisa uga baahan nahay ma jiraan, oo Diishkii (Satelite-kii) ayaa Waddanka dhexdiisa ku rakiban, Koombiyuutarrada ku xidhan ayaa Adduunka intiisa kalena gaadhsiinaya, markaa waa Guul aanu gaadhnay, inta yar ee noo hadhayna waxaanu rejaynaynaa inaanu dhamaystiro doono.”

Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sharraxay waxa Qalabkan la rakibay uu qabanayo, waxaanu yidhi “Qalabkani wuxuu qabanayaa Xagga Cimilada oo Muhiim u ah Diyaaradaha, wuxuu Qiyaasayaa Toddobaadka soo socda Cimiladu siday ahaan doonto iyo Xaggay Hawadu ka soo dhici doonto, Noocyada Caadadka Samada ka soo muuqan doona intay Dhulka u jiraan, Xawliga ay Dabayshu ku socoto, Mawjadaha Baddu Xawliga ay ku socdaan, Hadduu Dab weyni meel ka kaco, Qiiqa ka baxa hawadu ayuu saamaynayaa, oo Caad ayuu noqonayaa, intaaba wuu Saadaalinayaa Qalabkaasi.”

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadka Caalamiga ah ee ICAO ayaa dhawaan kala saxeexday heshiis ku saabsan in si deg deg ah Muqdisho loogu soo wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya, muddo kabadan 25 sano kadib tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Dawladda Somaliland oo diiddan in Soomaaliya lagu wareejiyo, ayaan illaa hadda qaadin Wax tallaabo ah oo ay ku muujinayso inay u diyaar-garowdo in Hay’adda ICAO ku soo wareejiso Qaybta ay ku leedahay Maamulka Hawada Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, marka laga yimaaddo Hadallo uu Wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe uu dhowr jeer ku sheegay inaan Soomaaliya lagu wareejin karin Maamulka Hawada.

Comments are closed