|

Labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland oo Sheegay in aanay Saxeexayn Labada Xeer ee Anshaxa Doorashada iyo Ka Saxaafada & Talooyin adag oo ay Komiishanka u Gudbiyeen

Hargaysa 21. September 2017 (SDN/QJ):- Mas’uuliyiin u hadlay labada Xisbi Mucaarid ayaa sheegay in aanay Saxeexayn Xeerka Saxaafada iyo Xeerkii Anshaxa doorashada oo dhawaan la rabo in la Saxeexo Waxayna xuseen in Labadaas Xeer Wixii ka dhinaa ay ku dareen hasa yeeshee diidan yahay sida ay yidhaahdeen Wixii talooyin ah ee ay ku darnay iyagoo ku sababeeyay in Culays la saaray Komiishanka doorashooyinka qaranka.

Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ayaa sheegay in Sababta ay uga soo baxeen ka doodista xeerkan ay la xidhiidho kadib markii uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu uu maamulay shirkaas isla markaana uu keenay laba xubnood oo ka socda wasaaradda warfaafinta iyadoo labada xisbi Mucaarid ay ku yeelan waayeen wax xubno ah Waxaanu intaas ku daray in ujeedada laga leeyahay arrinta xeerka anshaxa saxaafada ee xiliga ololaha ay u arkaan in Doorashadu ay noqon waydo mid daah furan.

Xoghayaha Golaha dhexe ee Ucid waxaa kale oo uu sheegay inay soo ogaadeen isla markaana soo xaqiijiyeen in dhawr guri oo waaweyn oo hargaysa ku yaala lagu uruuriyo shaqaalihii dawlada iyadoo la doonayo sida uu yidhi in loo kala diro hawlo khuseeya doorashada iyo ololaha Xisbiga Kulmiye.

Waxa uu Komiishanka u soo Jeediyey in la helo sadexdii wareegto ee ku lifaaqnaa Xeerka anshaxa doorashada isla markaana laga soo saxeexo madaxweynaha hadii aan taas la fulina aanay saxeexayn xeerkan Labada Xisbi Mucaarid.

Sadexdaas Wareegto ayuu Ku Sheegay 1. Inuu Madaxweynuhu soo Saxeexo in Ciidamada kala duwani ay maalinta doorashada ka amar qaataan Komiishanka Doorashooyinka 2.Wareegtada Labaad ayaa ah Sida uu Yidhi in Shaqaalaha Dawladu ay Sagaashan Cisho ka hor maalinta doorashada aanay u ololayn Xisbiga Kulmiye iyo Wareegtada Sadexaad ah oo in Xisbiga Kulmiye adeegsan Karin hantida dawlada ee la wada leeyahay.

 

Xoghayaha Warfaafinta Ucid ayaa dhankiisa sheegay in Shirkii Shalay Talooyinkii ay Ka jeediyeen lagula noqonayay Komiishanka hasa yeeshee Garyaqaankii Komiishanka ka socoday uu Shalay u Sheegay in la Diiday Talooyinkii labada Xisbi Mucaarid.

 

Waxa kale oo Xoghayahani Sheegay in hadii Gudi la samaynayo ay Ka Koobnaan karaan oo Keliya Sadexda Xisbi qaran Iyo Ururka Solja Waxa kale oo uu xusay in Mudadii ay afkaarta is weydaarsanayeen ay u Muuqatay in la doonayo in Gudidaa la samaynayo ay Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye aqlabiyad ku yeeshaan Waxaanu u soo Jeediyay Komiishanka doorashooyinku inay raacaan halka ay labada xisbi mucaarid maraan maadaama sida uu yidhi ay yihiin aqlabiyadii.

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ayaa dhankiisa sheegay in aanay aqbalayn in Wasiirka Warfaafintu uu laba xubnood ku yeesho gudida la socodka saxaafada ee mudada ololaha waxaanu xusay in Wasiirku ka tirsan yahay Xisbiga Kulmiye isagoo intaas ku daray in aanay Saxeexayn Xeerkaas.

Comments are closed