Hogaamiyaha Mayalka Adag Ee Woqooyiga Kuuriya Kim Jong-Un Iyo Kooxda Uu Taageero ee Kubada Cagta Qaarada Yurub!!
London 21. September 2017 (SDN/QJ):- Inkasta oo dunidu mar kasta oo ay magaciisa maqasho markaaba soo xasuusato xukunkiisa mayalka adag iyo dadaalka uu ugu jiro awoodda Nukliyeerka oo dunida kaga jaqaaq siiyey taasina keentay in ay quwadaha waaweyni fadhiga xammili waayaan haddana waa kan Kim Jong-Un, Madaxweynaha da’da yar ee waddanka Woqooyiga Kuuriya oo la sheegay in uu xiiseeyo daawashada kubadda cagta si gaar ahna uu u taageero kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Manchester United.
Siyaasiga caanka ah ee ka tirsan xisbiga midig dhexe ee waddanka talyaaniga Antonio Razzi kaas oo saaxiib aad u dhaw la ah madaxweynaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa shaaca ka qaaday sida uu ninkaasi dhallinyarada ah ee dhinacyada xiirtaa ugu waalan yahay daawashada iyo xiisaha uu u qabo kubadda cagta. Kim Jong-un waxaa la ogaaday inuu taageero u yahay kooxda Manchester United ee waddanka Ingiriiska, sidoo kalana uu aaminsan yahay in horyaalka Premier League uu hoy u noqon doono tiro badan oo ciyaartoy kasoo jeeda dalka waqooyiga Kuuriya dhawaan. Kadib horumar weyn oo ay sameeyeen xulka qaranka Woqooyiga Kuuriya sannadihii ugu dambeeyey waxa la sheegay in ay taasi sabab u ahayd taageerada uu wiilkan madaxweynaha ahi u sameeyey xulkiisa qaranka isaga oo sheegay in xiddigaha kubadda cagta ee dalkiisa uu ku booriyey in ay xirfadooda kor u qaadaan oo horyaalada waaweyn ee kubadda cagta ka xoogsadaan si ay magacooda dunida u tusaan in ay yihiin kuwo xirfadle.
Xildhibaan sare Antonio Razzi oo ah ruug-cadaa dhanka siyaasadda ah ayaa saaxiib aad u dhaw la ah wiilka da’da yar ee xukunka kali-taliska ah ku haya dalka Waqooyiga Kuuriya wuxuuna qiray inuu daawado dhamaan tartamada waaweyn ee kubadda cagta. Antonio Razzi wuxuu saxaafadda u xaqiijiyay inuu madaxweynaha Woqooyiga Kuuriya u sheegay xilli ay si khaas ah u wada sheekeysanayeen jaceylka uu u qabo Manchester United.
Balse markii la weydiiyay inuu nafsadiisa la barbardhigo geesiyaasha Red Devils sida Eric Contana ama Zlatan Ibrahimovic wuxuu yidhi isagoo u waramayay The Sun: “Maya – Kim waa Kim – kaliya hal ayaa jira”
Xiddiga Da’yarka qaranka Waqooyiga Kuuriya Han Jwang-song ayaa dhawaan ku biiray kooxda heerka labaad ee talyaaniga ah ee Perugia, madaxweynahan kalidii taliska ah ayaana si weyn ugu hambalyeeyay xiddigaasi reer Woqooyiga Kuuriya farsamada cajiibka ee uu leeyahay wuxuuna aaminsan yahay inuu waddanka wax badan u qaban doono. Ugu dambeyntiina Xidlhibaankan reer Talyaani ee sheekadan xiisaha leh soo warinayay Razzi wuxu qiray in Kim Jong-un uu aaminsan yahay wiilka yar ee Han inuu hordhac u yahay tiro xiddigo reer Waqooyiga Kuuriya ah kuwaas oo dunida kubadda cagta kasoo hilaaci doona dhawaan. Woqooyiga Kuuriya oo dunida go’doon ka ah dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha mar walba oo aad magacooda maqashana aad ku maqasho gantaal la tijaaboyey iyo hubka nukliyeerka ayaa wajiyo kale oo badan leh.