|

Booliska Uk oo Gacanta Ku dhigay Laba Nin oo Kale oo Ku eedaysan Weerarkii Banbaano ee Xarunta Tareenada London

London 21. September 2017 (SDN/QJ):-  Booliska Ingiriiska ayaa sheegey in ay soo xidheen laba nin oo kale oo lala xidhiidhinayo inay qayb ka ahaayeen danbiileyaashii ka danbeeyay weerarkii bombaano ee toddobaadkii hore ka dhacay xarunta tareenada London, halkaasoo ay ku dhaaawacmeen 30 qof.

Masuuliyiinta Britain ayaa sheegey in dadka la xidhay ay kala yihiin, nin 48 jir ah iyo mid kale oo 30 sano jir ah, kuwaasoo ku noolaa magaalada Newport, ee gobolka Wales. Isla halkaasna, waxa ay boolisku shaley ka soo xidheen nin kale waxaana baadhitaanno ilaa shaley lagu hayey goobihii ay degenaayeen raggan  la soo qabtey.

Boolsika London ayaa war qoraal ah ku sheegey in raggan loo heysto in ay lug ku lahaayeen weerarkii bombaano.

Isu geyn, 5 rag ah ayaa ilaa iyo hadda loo qabtey qaraxii toddobaadkii hore.

Comments are closed