|

Dawlada Dhexe ee Federaalka Itoobiya oo Shaacisay inay Boqolaal ka Tirsan Qoomiyada Oromada Xabsiyada u Taxaabtay Kuwaas oo Lug ku leh Dadkii Soomaalida ahaa ee Lagu laayay Haawaday

Addis Ababa 17. September 2017 (SDN/QJ):- Waxa la xidh-xidhay  Boqolaal qof oo  ka mid ah dad ku eedaysan  inay masuul ka ahaayeen dhimashada iyo barakaca ka dhashay xurgufta u dhexaysa degaannada  qowmiyadaha  Soomaalida iyo Oromada, sidaas waxa  shaaciyay  Jimcihii Wasiirka Isgaadhsiinta ee Itoobiya, Dr. Negeri Lencho

Siday faafisay wakaalladda wararka  Itoobiya ee ENA, Wasiirka Arrimaha isgaadhsiinta Itoobiya Dr. Negeri Lencho, ayaa u sheegay warbaahinta, in talaabada lagu xidhxidhay  dadkii rabshadahaasi ku lugta yeeshay ay qayb ka tahay  dedaalka xukuumadiisu ku doonayso inay nabadgelyada ku sugto, waxaanu intaas ku daray in caddaaladda la horgeyn doono ashkhaastii masuulka ka ahaa rabashadaha

“Dadkii ka qaybqaatay qulqulatooyinka waa la xidh-xidhay. ilaa boqolaal qof ayaa la xabsiga loo taxaabay  degaanka Oromada, gaar ahaan  magaalada Hawadey ku dhawaad 200 oo qof ayaa la xidhay,”ayuu yidhi

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in ciidammada amaanka iyo ciidanka Booliska Federaalka la geeyay degaankii qalalaasuhu ka dhacay si ay nabadgelyada gacan adag ugu qabtaan isla markaana xasiloonida u soo celiyaan.

Dr. Negeri Lencho  waxa kaloo uu xusay  hore loo sameeyay  dedaalo labada dhinac lagu doonayay  in lagu xaliyo khilaafaadkooda la xidhiidha murunka xuduudaha, oo lala kaashaday  waxgaradka labada degaan, waxaannu tilmaamay  arrintaasi ay keentay in Bishii April ee sannadkan ay kala saxeexdeen heshiis khilaafkooda ku  wajahan.

Dr. Negeri  wuxuu sheegay in  rabashadaha dhawaanahan ka soo cusboonaaday labadan degaan aan la garanayn wax sababay. Waxaanu  intaas raaciyay in madaxdhaqameedka, hoggaamiyeyaasha diinta ee labada degaan ay wadaan qorshe lagu heshiisiinayo labada dhinac.

Comments are closed