Ingiriiska Iyo Talyaaniga oo Heshiis ku Gaadhay Joojinta Tahriibayaasha Ka Yimaada Liibiya!!
Roma 17. September 2017 (SDN/QJ):- Dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa ku heshiiyey in laga shaqeeyo sidii looga joojin lahaa dalka Liibiya Tahriibinta dadka ee sharci darrada ah ee marinka ka dhigtey.
Safiirka dalka ingiriiska ee dalka Liibiya u fadhiya oo kulan kula yeeshay Caasimada dalka Libiya dhigiisa dalka Talyaaniga u fadhiya Liibiya ayaa waxa uu sheegay iney isla garteen iney lagama marmaan tahay in la joojiyo tahriibinta dadka ee dalka Liibiya si loo xakameeyo khasaaraha dadka ku dhimanaya Badda.
Dhanka kalena Midawga Yurub ayaa sheegay La shaqaynta ay la shaqeeyaan madaxda Liibiya iyo kuwa dalalka Koonfurta Saxaraha afrika ay xooga saari doonaan sidii laysaga kaashan lahaaa xakamaynta tahriibta sharci darrada ah iyo sidii loo badbaadin lahaa dadkaa noloshooda.