Khasaaraha Dhimasho ee Qoomiyada Oromadu u Gaystay Ganacsatada Qaadka ee Magaaladda Haawaday,Tirada Somaliland u dhalatay,Deegaanada ay Dhalasho ahaan ka soo Jeedaan , Cida leh Gaadiidka la Gubay & Halka uu Salka ku hayo Dagaalkani
Haawaday 14. September 2017 (SDN/QJ):- Tirada dhimashada dadkii Soomaalida ee lagu laayay magaalada Haawadey ee gobolka Oromia waxay maraysaa 36 qof, 9 gaadhi oo la gubay.
Dadkaa dhintay waxa u badan beesha Samaroon oo 13 qof ah, 4 Ka soo Jeeda beesha Ciidagale ah iyo 5 Habar Awal ah, halka inta Kale ay Yihiin Dad Soomaali ah.
Dadkaasi waxay u badnaayeen shaqaale hoosaad, Darawaliin iyo xisaabiyayaal ka tirsanaa shirkadaha qaadka ee Ina Afdiinlle, Aamina Gaafane iyo ina Faras.
Baabuurta la gubay 6 ka mid ah waxa leh Aamina Gaafane oo ah gabadh Jaadka ka ganacsata.
Xasuuqa ay qawmiyada Oromadu kula kacday Soomaalida ayaa laygu sheegay 3 sababood sida ay qabaan dad u dhuun daloola arimaha gobolka oo aan kala xidhiidhay magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya:
1- Oromada oo ka cadhaysan kadib markii ay xukuumadda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hogaamiyo Cabdi iley ay taageertay muquunintii ay Dawladda fedaraalka Itoobiya kula kacday shacabkii Oromada ahaa ee kacdoonka ka dhanka ah Xukuumadda Addis Ababa ka sameeyay dhulkooda.
2- Xukuumadda fedaraalka oo Soomaalida Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya u soo celisay dhowr magaalo oo ay markii hore raacisay ismaamulka Oromada iyadoo ku ciqaabaysa Oromadu kacdoonka ay sameeyeen isla markaana Soomaalida kaga doonaya taageero.
Magaalooyinka loo soo celiyay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ka mid ah: Jinacsaley, Gorey iyo qaar kale.
3- Kaadh siyaasadeed oo ay ciyaarayso Xukuumadda Fedaraalku oo ah inay kacdoonka Oromada kaga nasato oo ay usoo xawisho mushkiladda Xaga Soomaalida iyo Oromada oo ay isku dhufato.