Duqii Hore ee Magaaladda Berbera Isla Markaana ah Siyaasi aad Looga Danbeeyo oo Shaaciyey inuu Ku Biirayo Xisbiga Waddani DAAWO
Hargaysa 14. September 2017 (SDN/QJ):- Maayirkii hore ee magaalada Berbera Cabdale Maxamed Carab (Cabdale Sandheere) ayaa shaaca ka qaaday in uu sitoosa ugu biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, islamarkaana uu ka baxay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.
Cabdale Sandheere ayaa sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxaanu isaga oo arimaanka hadlaayay uu yidhi “Waxaan jeclahay inaan maanta cadeeyo mawqifkayga siyaasadeed maadaama oo muddo warar badan lays xulinaayay, waxaan idiin sheegayaa inaan dhawaan ku biirayo xisbiga Waddani, asxaabtayda
taageerayaashadaya ayaan sii ogaysiinayaa inaan maqqifkaas siyaasadeed aan qaatay, waxii hadal ah iyo sababta waxaan dib ugu dhiganayaa maalinta xaflada.”
Doorashada madaxtooyada ayaa ahaatan fooda ku soo haysa Somaliland waxaana xisbiyadu ay aad u raadinayaan taageerada shacbiga iyo siyaasiyiinta deegaanada.