|

Raysal Wasaaraha Bangladesh oo Booqashadeedii Kowaad Ku tegaysa Xeryaha ay Ku Sugan yihiin Qaxoontiga Qoomiyada Rohinga

Bangladesh 14. September 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisal wasaaraha dalka Bangalo-dheesh Sheekh Xasiino ayaa markii u horaysay booqanaysa xeryaha ay ku sugan yihiin qaxoontiga Rohinga ee ka soo barokacay dalka Mayarmaar, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay sedex boqol oo kun in ka badan.

Hase ahaatee, qaxoontiga Rohinga ayaa si joogto ah ugala kulmaya ciidamada qaranka xukuumada Burma barokicin iyo isir sifeyn arxan daro ah, iyagoo ku tilmaamay argagixiso aan u dhalan Myarmaar, taas oo sababtay in dad Dumar iyo carruur u badan u soo gudbaan dhinaca dalka Bangalo-dheesh.

 

Geesta kale, xukuumada sheikh Xasiinaya ayaa ka codsanaysa bulshada caalamka in gurmad deg-deg ah loo sameeyo qaxoontiga Rohinga, iyadoo lagu dirqiyayo xukuumada Burma dadkan qaxoontiga ah in ay u ogolaado in ay dalkooda dib ugu noqdaan iyagoo helaya nabad iyo xasilooni, taas oo ayna Bangalo-dheesh xamili Karin qaxoontigan faraha badan ee ka soo qulqulaya dalka Burma.

Comments are closed