Wariye Aamina Muuse Weheliye Oo Dawlada Somalia Ugu Baqday Inay Aqoonsadaan Madax Bananida Somaliland DAAWO
London 11. September 2017 (SDN/QJ):- Weriye Aamina Muuse Weheliye oo ka mid ah Dadka ka Cadhaysan Go’aankii ay Dawlada Federaalka Somalia ugu Gacan gelisay Itoobiya Sarkaalkii ka tirsanaa Ururka ONLF ee C.kariin Muuse Qalbi dhagax ayaa ka dalbatay in Xukuumada Somalia maadaama aanay ku shaqaynayn rabitaankii Ummada Somalia ee ahaa u halgamida Shantii Soomaaliyeed inay Waajib ku tahay inay aqoonsadaan Somaliland.
Waxay sheegtay in Somaliland mudada dhawr iyo Labaatanka sanno ee ka soo wareegtay ku dhawaaqidii madax bannaanida Somaliland ay samaysay horumar badan oo lagu faani karo isla markaana ay Mudan tahay in dawlada Somalia ay aqoonsato.