Madaxweynaha Turkiga oo Mar Kale Dunnida Islaamka & Hay’adaha Caalamiga ah ka Dalbaday inay Gurmad u fidiyaan Muslimiinta Rohinga ee Myanmar
Kazakhstan 11. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka turkiga Rajab dayib Ordogan ayaa mar kale ku celiyey baaqiisa uu ku weydiisanayo Dalalka caalamka islaamka iyo Hay’adaha caalamiga ah inay u gurmadaan Muslimiinta Rohinga ee lagu gumaadayo Dalka Purma.
Madaxweyne Ordogan oo ka hadlayey shir madaxeedka dalalka iskaashiga Islaamka oo ka furmay Dalka kasakhistan ayaa waxa uu ugu baaqay wadamada islaamku inay isku dayaan dariiqo kasta oo suurogal u ah oo lagu badbaadinayo Muslimiinta Purma oo lagu xasuuqayo Gobolka Arakan.
Ordogan ayaa shirkaa ka sheegay in dalkiisu xidhiidh la sameeyey dalalka Bangaladesh iyo Purma si loo hakiyo waxyeelada mudada labada todobaad ah lagu hayo muslimiinta Rohinga oo keentay dhimashada 7500 ruux iyo dhaawaca 6500 oo kale.