|

Mid ka Mid ah Wargaysyada ugu Afka dheer Dalka Ingiriiska oo Shaki Geliyey in Khubarada Farsamaysa Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi aanay Keli ku ahayn Hawshaas!!

London 11. September 2017 (SDN/QJ):- Wargayska Telegraph ayaa sheegay in xukuumadda dalka ingiriisku ay shaki gelisay in khubarada Farsamaynta kuuriyada woqooyi inay keli ku yihiin  farsamaynta barnaamijka Nucleerka dalkaasi.

Wasiirka arimaha dibadda dalka Ingiriiska Boriis Jonson ayaa waqti hore waxa uu shaki geliyey inay khubarada kuuriyada woqooyi keligood ku guulaysteen inay soo saaraan barnaamijka Nuclear-ka, hase ahaatee cidda la tuhunsan yahay inay gacan ku siisay ma carrabaabin. hase ahaatee dhinacyada la tuhunsan yahay inay taageero ka siisay uu ugu horeeyo Dalka Iiraan.

mana jiraan wax cadaynaya oo loo cuskan karo dhabnimada tuhunkaasi.

Comments are closed