|

Xukuumada Suuriya oo Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay u Xaqiijisay in aanay abid Isticimaalin Hub Kiimiko ah

Dimishiq 11. September 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Suuriya ayaa u gudbisay goleha amaanka ee Qaramada midoobay warqad sheegaysa in ayna waligeed u adeegsan hub kiimiko ah dagaalada sokeeye ee ka socda dalka gudihiisa.

Warqadu waxa ay intaasi raacisay in dalka Suuriya ayna jirin hub kimiko ah oo yaala iyo meel lagu farsameeyo toona, taas oo 2011kii laga cidhib tiray dalka oo dhan, hase ahaatee, eedeynta baadhayaasha caalamigu ay tahay been siyaasadaysan.

 

Arintani waxa ay ka dembaysay markii baadhayaasha caalamigu sheegeen in ciidamada Suuriya hub kimiko ah u adeegasadeen xoogaga mucaaridka todoba iyo labaatan jeer lixdii sanadood ee dagaalka sokeeye ka socday dalkaasi.

Comments are closed