|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Isku Bedel iyo Magacaabis Ku Sameeyay Xubno ka Mid ah Badhasaabyada Gobolad Iyo Maareeyeyaasha Hay’adaha Madaxa Bannaan

Hargaysa 10. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer madaxweyne oo uu Maanta soo saaray isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo maareeyahaasha hay’adaha madaxa banaan ee dalka.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. Iyadoo laga soo Bedelay Gobolka Awdal.

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo Laga Bedelay Gobolka Maroodi-jeex)

Dhanka Kale Wuxuu Madaxweynuhu Magacaabis Iyo Isku bedel ku Sameeyay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD)

Madaxweynuhu  Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh)  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD) u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Maareeyaha, iyo la taliyaha madaxweynaha ee Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD);

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii hay’adda dekeda)

In Mudane, Maxamed Muuse Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERAD ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD)

Sidoo Kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Wuxuu Magacaabay Maareeyaha Hay’adda Dekedaha

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Dekeduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland. (hore maareeyihiin Hay’ada mucaawimooyinka WFP).

Comments are closed