|

Waxqabadkii Hay’adaha Dawladda S.land Oo Meesha Ka Baxay Kadib Markii Masuuliyiintii U Xil Saarnaa Shaqadii Qaranka Kaga Mashquuleen Ololaha Hordhaca Ah Ee Xisbul Xaakimka KULMIYE

Hargaysa 10. September 2017 (SDN/QJ):- Waxqabadkii Shaqo ee Nidaamka Xukuumadda Somaliland ayaa is taagay iyada oo aanay gabi ahaanba jirin wax adeegga ah oo la taaban karo oo ka socda hay’adaha dawladda ee kala duwan gaar ahaan wasaaradaha, Hay’adaha Xukuumadda iyo xafiisyada kale ee dawladda iyo walibaa xataa Golayaasha deegaanka kadib markii Masuuliyiintii qaranka u qaabilsanaa ee xafiisyadaasi ka hawl galayay ay u go’een ololaha hordhaca ah ee xisbul Xaakimka KULMIYE dalka ka bilaabay taasina keentay in gabi ahaanba xafiisyadii ay haawadaan dadkuna ka waayaan adeeggii ay uga baahnaayeen.

Inkasta oo aanay wali gaadhin Muddo ku koobanina innaga xigto wakhtigii Ramsi ahaan dalka ay uga bilaaban lahaayeen Ololaha Doorashooyinka Madaxtooyo ee qaranku haddana dadaalada xisbiyada qaranka gaar ahaan Xisbiga KULMIYE ku foogan yahay ee ololaysan ee uu ku wajahay Gobolada dalka ayaa keentay in Masuuliyiin isugu jira Wasiirro, Wasiirro Ku xigeen, Wasiirudawlayaal, Agaasimayaal Guud, Maareeyayaal, Badhasaabo, Maayarro xataa Xildhibaanada Golayaasha Deegaanku ay xisbigaasi ka dhex botoroyaan iyada oo xafiisyadooduu dayacan yihiin si ay Hogaanka iyo Musharraxa xisbigana isku tusaan ay mar walba safarrada ololaysan Gobolada ugu raacaan taasi oo meesha ka saartay in adeegii ay Bulshada ugu qaban lahaayeen xafiisyada ay ku magacaaban yihiin Albaabadu u laabmaan dadkuna in badan la yaaban yahay sida uu noqon doono xaalka dalku.

Masuuliyiinta Xukuumadda Iyo Golayaasha Deegaanka ee xafiisyadoodu haawanayaan ayaa ujeedada ay inta badan ka leeyihiin u ololaynta Xisbiga KULMIYE ee ay ka mid yihiin waxa lagu sheegaa mid daarran iska dhaadhicin ay Musharraxa Xisbigaasi isku tusayaan sida ay daacadda ugu yihiin ama ay ugu shaqaynayaan kaambaynkiisa iyaga oo mid kastaa rajo ka qabo haddii uu doorashada ku guulaysto xisbigu in ay xilal ka helaan iyada oo aad kaambaynkaasi xisbiga KULMIYE Ee hordhaca ah ku dhex arkayso xubno xafiisyadoodii haawanayaan oo safka hore kaga jira orodka iyo safarka waftiga KULMIYE iyaga oo aan mar kali ah ku xisaabtamin masuuliyad darrada ay samaynayaan ee ay kaga maqan yihiin xafiisyadii loo doortay in ay dadweynaha ugu adeegaan. Dhibaatada adeeg la’aanta waxa sii kordhiyay markii xataa Agaasimayaal fulineed oo xukuumadda ahi xafiisyadooda kaga mashquuleen u ololaynta xisbigaasi.

Isla xisaabtankii dawladnimo ee adkaa ayaa meesha ka baxay taasina ay noqotay in dalku galo xaalad jahowareer ah oo aanay waxba kala socon marka laga hadlayo adeeggii hay’adaha dawladdu bulshada u hayeen. Ma jiro Komishan adag oo gacan bir ah ku qaban kara ololaha xisbiyada ee wakhtigoodii ka soo hor maray iyo masuuliyiinta shaqaalaha dawladda ee kaambaynka xisbiyada ka dhex muuqda arrinkaasi oo ah mid ka hor imanaya shuruucda iyo qawaaniinta dalka u taalla oo arrinkan si adag uga hadlaya.

Comments are closed