|

Haweenka Saamaynta Ku Leh Siyaasadaha Dunnida oo Gaadhay Halkii ugu Saraysay  & Magacyada 16 Haween Ah Oo Wasiirro Gaashaan-Dhig Noqday!!

Hargaysa 10. September 2017 (SDN/QJ):- Inta badan wakhtiyadan waxa la arkaa in ay xukuumadaha xilal sare ka qabtaan haweenku kuwaasi oo aan wakhtiyadii hore nasiib u heli jirin in ay door ku yeeshaan talada dalalkooda balse muddooyinkan dambe waxa si aad ah u soo kordhaya xilalka aanay hore haweenku u qaban jirin oo ay imika si weyn uga dhex muuqdaan gaar ahaan marka ay noqoto arrimaha ciidamada iyo gaashaan dhigga.

Haweenkii ugu badnaa ayaa shantii sano ee ugu dambeeyey xilal wasiirnimo oo dhinaca gaashaan dhigga ah qabtay waxaana ugu badan dalalka waaweyn ee Yurub oo jaanis haweenkooda u siiyay in ay qabtaan xilalka wasiirrada gaashaan dhigga oo ah xilal aanay haweenku waligood hore u qaban jirin. Qormadan waxaan ku eegi doonaa tirada 16 haween oo wakhtigan adduunka ka haya xilalka wasiirrada gaashaan dhigga waxaanay kala yihiin:

  1. Ms Nosiviwe Noluthando Mapisa-Nqakula- Wasiirka Gaashaan dhigga Koonfir Afrika, waxa uu Madaxweynaha Koonfur Afrika magacaabay sannadkii 2012.
  2. Jeanine Hennis-Plasschaert- waxa ay xila wasiirka gaashaan dhigga ee dalkaasi Holland haysaa tan iyo bishii November sannadkii 2012.
  3. Martha Elena Ruiz Sevilla, haweenaydani waxa ay tahay xaaska taliyaha guud ee ciidamada waddanka Nicaragua waxaanay xilka wasiirka gaashaan dhigga haysaa tan iyo sannadkii 2013
  4. Raychelle Omamo- Waa wasiirkii Gaashaan dhigga waddanka Kenya oo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee dalkaasi ka qabata mansabkan. Waa haweenay wax ku baratay jaamacad ku taalla waddanka Ingiriiska sidoo kalena hore safiir u soo noqotay.
  5. Mimi Kodheli, waa wasiirka Gaashaan-dhigga waddanka Albania waxaana magacaabay ra’iisal wasaare Edi Rama. Waxa ay dhalatay sannadkii 1964-kii waxaana loo aqoonsaday haweenaydii ugu horraysay ee wasiir gaashaan dhig ka noqota waddanka Albania
  6. Ine Marie Eriksen Søreide oo ka tirsan xisbiga Muxaafidka dalkaasi Norway waxa loo magacaabay wasiirkii gaashaan dhig ee ugu horreeyey ee haweenay ka qabto dawladda dalka Norway waxaana la magacaabay sannadkii 2013 waana haweenay 41-jir ah.
  7. Ursula Gertrud von der Leyen, waa siyaasi caan ah oo dalkaasi Jarmalka ka noqotay wasiirkii gaashaan dhig ee ugu horreeyey waxaana la magacaabay sannadkii 2013.
  8. Roberta Pinotti oo dhalatay sannadkii 1961-kii, sannadkii 2014 ayaa loo magacaabay xilka wasiirka Gaashaan dhigga waddanka Talyaaniga waana haweenayadii ugu horraysay ee xilkaasi qabata.
  9. Marina Pendeš- Wasiirka Gaashaan dhigga waddanka Bosnia and Herzegovina. Waxa ay xilkan haysaa tan iyo sannadkii 2015. Da’deedu waa 54 jir, waxaanay baratay cilmiga injineerinka korontada.
  10. Andreja Katič, iyana waa Wasiirka Gaashaan dhigga waddanka Slovenia
  11. Marise Payne, waa haweenaydii ugu horraysay ee Wasiir Gaashaan dhig ka noqota waddanka Australia.
  12. María Dolores Cospedal García- waa Wasiirka Gaashaan dhigga waddanka Spain
  13. Shaikha Xasiina, inkasta oo ay Ra’iisal wasaaraha waddanka Bangladesh tahay haddana waxa ay haysaa xilka wasiirka gaashaan-dhigga balse xilkaasi waxa gacan yare uga ah taliyaha ciidamada qalabka sida.
  14. Radmila Šekerinska Jankovska, waa haweenay Wasiirka Gaashaan-dhigga dalkaasi Macedonia ah oo taariikhda markii ugu horraysay noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee xilkan oo kale ka qabata dalkaasi.
  15. Florence Parly oo 54-jir ah waxa loo magacaabay sannadkan 2017 wasiirka gaashaan dhigga waddanka Faransiiska waxaanay ka tirsan tahay xisbiga Madaxweyne Emanuel Macaron.
  16. Tomomi Inada oo sharci yaqaan ah isla markaana siyaasadda mudo ku jirtay waxa ay noqotay wasiirka Gaashaan-dhigga waddanka Japan waana haweenaydii ugu horraysay dalkeeda ee xilkan oo kale qabata. Waxa ay dhalatay 1959-kii waxaanay xilkan haysaa tan iyo sannadkii hore ee 2016. waana haweenay saamayn oo awoodeed ku leh dalkeeda.

Comments are closed