|

Fal Tuugo Ah Oo Lagu Xaday Faraskii Gaarka Ahaa Ee Madaxweynaha Ruushka Iyo Baadhitaano Lagu Baadi Goobayo Oo Caasimada Ruushka Ka Socda

Moscow 10. September 2017 (SDN/QJ):-Wararka ka imanaya waddanka Ruushka ayaa sheegaya in Faraskii gaarka ahaa ee uu lahaa Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin la xaday iyada oo aan waliba la ogayn kooxda tuugada ah ee falkaasi kula kacday faraska uu lahaa Madaxweynaha waddanka Ruushka oo lagu magacaabi jiray ‘President’ oo macnaheedu yahay Madaxweyne.

Faraskaasi oo maalmo uun ka hor uu Madaxweynaha waddanka Ruushku u hibeeyey ama muquuno u siiyey gabadh dhallinyaro ah oo Raashiyaan ah balse aan wali iyadu la wareegin faraskaasi oo ay rajaynaysay in ay dhawaan si rasmi ah ugala soo wareegto xerada xayawaanka ee Madaxweyne Vladimir Putin.

Wargeyska Rosiskaya oo ka soo baxa Caasimadda waddanka Ruushka ee Moscow kana mid ah wargeysyada sida weyn wax uga qora arrimaha xukuumadda iyo Madaxweynaha dalkaasi ayaa toddobaadkan baahiyey warka la xidhiidha falka xatooyada ah ee lagula kacay Madaxweynaha waddankaasi Ruushka kaasi oo lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah fardaha gaarka ah ee uu sida weyn u jeclaa Madaxweyne Putin waliba ahaa faraska koowaad ee uu inta badan fuulo kuna madadaasho wakhtiga uu firaaqada leeyahay kaasi kaasi oo sida la sheegay laga xaday beer lagu daryeelo xayawaanka dad la joogta ah ee Madaxtooyada waddanka Ruushka walina aanay booliska iyo ciidamada dambi baadhistu ku guulaysan in ay soo ogaadaan ama soo helaan cidda faraskaasi xadday iyo goobta lala tagay toona iyada oo falkaasi xatooyada ah loo xidhay mid ka mid ah ilaalada iyo daryeelka xayawaanka Madaxweynaha.

Faraskan kooxda shuftada ahi xadday oo ahaa midka uu Vladamir Putin ugu jecel yahay xayawaanadiisa gaarka ah ayaa waxa uu dhawaan u hibeeyey gabadh yar oo dhallinyaro ah oo ardayad ah oo dalkaasi Ruushka u dhalatay taasi oo qoraal ay ku socodsiisay Madaxweyne Putin kaga dalbatay in uu hadyad ku siiyo mid ka mid ah hantidiisa uu leeyahay wakhti Madaxweyne Putin uu safar ku marayay gobolada dalkaasi oo uu ardayadaasi kula kulmay mid ka mid ah dugsiyada sare ee deegaankeeda.

Gloria Kolosnikova ayaa si kedis ah Madaxweyne Putin uga codsatay hadyad waxaanu isla markiiba u hibeeyey faraskiisa ‘The President’ kaasi oo ka mid ahaa xayawaanada uu ugu jecel yahay hantidiisa nasiib darro iyada oo aanay wali ardayadaasi la wareegin faraska Madaxweynuhu u hibeeyey ayaa falkan xatooyada ah lagula kacay, taasi oo si weyn uga cadhaysiisay Madaxweyne Putin.

Wargeyska arrinkan xiisaha leh wax ka qoray ayaa sheegaya in Madaxweyne Putin amar ku bixiyay in baadhis adag lagu soo raadiyo faraskaasi oo uu aad u jeclaa inta badana uu fuuli jiray. Madaxweynaha Ruushka ayaa hiwaayaddiisu waxa ay tahay dhawr arrimood oo uu jecel yahay sida ugaadhsiga, kaxaysashada eyda, kalluumaysiga, fardo fuulka, dabbaasha iyo toogmada (Shiishka). Waxaanu wakhtigiisa firaaqada ah ku qaataa webiyada, badda, keymaha iyo duurka.

Comments are closed