Saldhig Milatari oo Ku Yaala Caasimada Lesotho o Lagu Khaarajiyey Madaxii ciidamada dalkaasiKhoantle Motsomotso, iyo labo kale oo saraakiil sarsare ah
Maseru 10. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxii ciidamada dalka Lesotho, Khoantle Motsomotso, iyo labo kale oo saraakiil sarsare ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday saldhigyo milatari oo ku yaalla caasimadda dalkaas ee, Maseru.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in saraakiil ay galeen xafiiska madaxi ciidamada ayna toogteen, kahor intii anay dilin labo waaridye oo kale.
Raysal wasaare Thomas Thabane ayaa sheegay in xaaladdu ay haatan deggan tahay waxanu dadka ku boorriyay inay is dejiyaan.
Lesotho ayaa waxaa soo maray xilliyo degganaansho la`aan ah oo ay sal u ahaayeen afgembiyo iyo isku dayo afgembi.
Xaaladda magaalada Maseru ayaa la sheegay inay tahay mid cakiran iyadoo milatariga iyo booliisku ay ilaalinayaan waddooyinka.
Waxa uu sidoo kale Raysal wasaareThomas sheegay in baadhiaan lagu samaynaayo sida ay wax u dhaceen iyo sababtaba.
Waxaa dalkaasi ka dhacday saddex doorasho saddexdii sano ee la soo dhaafay, oo tii ugu dambeysay ay dhacday bishii June.
Raysal wasaare Thabane, ayaa haatan madax u ah dowlad isbahaysi ku dhisan.
Sanadkii 2014 Mr Thabane ayaa u qaxay dalka Koofur Afrika, isaga oo ka baqayay in la badhtilmaameedsado oo la dilo.