Madaxweyne Donald Trump oo Cadeeyay inaanu Xal Mileteri Ku Furdaaminayn Xiisada Gacanka Kuuriya
Washington 10. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maraykanka Mr Donald Trump ayaa Warfidiyeenka Caalamka u sheegay in aanu Qorshaha Xukuumadiisu ahayn Xoog Milatari in lagu Furdaamiyo Xiisada Adag ee ka taagan Gacanka Kuuriya, Hase yeeshee aanay Xukuumadiisu Gacmaha Laaban doonin Hadii ay Gardarada Joojin waydo Kuuriyada waqooyi iyo Horumarinta Gantaalaha.
Hadalka Mr Donald Trump waxaa uu jeediyay kadib markii uu Madaxweynaha Shiinaha Taleefanka kula xidhiidhay, Taas oo uu mr Shiin Biin ka Codsaday in wada hadal Dibloomaasiyadeed lagu Furdaamiyo Colaada Gobolka ka jirta.
Hasa ahaatee, Xoghaya Ganacsiga iyo dhaqaalaha Dalka maraykanka ayaa ku dhawaaqay in Cunaqabatayn ay saari doonaan Dawlad kasta oo Xidhiidh Ganacsi la leh Waqooyiga Kuuriya Taasi oo qayb ka ah Xoojinta Go’doonka lagu soo rogayo Kuuriyada Waqooyi.