”Anigu Xisbiga Waddani Ka Bixi Mayo, Kulmiye Maradi Akhtarka iyo Casaanka Ahayd Muuse Biixi Iyo Samaale ayaa Ku Hadhsan Balse Ruug Cadaagii Ololaha Yaqaanay X. Waddani ayay Joogaan’’ Siyaasi Xamarje DAAWO
Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Waxba kama Jiraan ku tilmaamay hadal hayn ku saabsan inuu ka baxayo Xisbigaas.
Siyaasi Xamarje Wuxuu Komiishanka Doorashooyinka Qaranka u Soo Jeediyey inay Talaabo ka qaadan Xisbiga Kulmiye oo Olole Siyaasadeed oo aan Wakhtigiisii gaadhin ka wada Gobolada Galbeedka Somaliland Waxaanu ku Hanjabay in hadii talaabo la qaadi waayo ay qaadi doonaan Olole kooda ka Mug weyn.