Weriye Araga Naafo ka ah oo Ka Shaqeeya Radio Hargaysa & Sida uu Shaqadiisa u Qabsado isagoon Cid kaashan DAAWO
Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Mowliid Maxamed Odowaa waa nin dhalinyaro ah oo mihnadda Saxaafadda kaga hawl-gala hay’ado warbaahineed oo Idaacadda Dawladda ee Radio Hargeysa ka mid tahay u xil-saaran barnaamijyo todobaadle ah oo uu soo saaro, laakiin waxa uu weriyeyaasha kale ee dhiggiisa ee inta badan bahda saxaafadda ka tirsan kaga duwan yahay inuu la’ yahay mid ka mid ah laxaadka ugu muhiimsan ee qofka bani’aadamka ahi ugu baahi badan yahay.
Mowliid waxa uu naafo ka yahay Laxaad Aragga, waxba ma arki karo, laakiin waxa uu u shaqaystaa isla markaana hawl-galmeedka u gutaa sida suxufiyiinta kale, isaga oo barnaamijyo todobaadle ah iyo qaar maalinle ahba oo dad badani ku xidhan yihiin dhegaysigooda ka sii daaya Idaacadda Radio Hargeysa iyo shabakadaha wararka ee dalka qaarkood.
Waxa uu waxabarashadiisa ka dhammaystay dugsiga ay wax ka bartaan dadka Laxaadka araggu ka maqan yahay oo magaalada Hargeysa ku yaala, waxaanu in badan oo qarkii ah iyo dad badan oo ay xirfad wadaag yihiin kaga duwan yahay ama la odhan karaa wuu kaga sarreeya aqoonta uu fursadda u helay barashadeeda.
Mowliid Odowaa waxa uu idaacada Radio Hargeysa maalinta Jimcaha gelinkeeda hore laga dhegaystaa barnaanijka Subax-wanaag ee maalin walba ka baxa Idaacadda oo uu isagu gacantiisa ku diyaarsado, kuna farsamaysto. Waxa kale oo intaas u dheer inuu yahay farsamo yaqaan dadka aqoontoodu ka daahan tahay farsamada cillad-ka-saarista Computer-radu ay ula yimaaddan isla markaana uu u hagaajiyo.
Heerarkii noloshiisa soo martay, guulaha uu ka gaadhay mihnadda Saxaafadda iyo dedaallo badan oo uu kaga gudbay waayihiisa nololeed oo dad badan oo ay wadaagaan laxaad la’aanta ka haysata indhaha kaga duwan yahay iyo waxyaabihii u suurto-galiyey inuu ka midho-dhaliyo heerka maanta uu taagan yahay.