|

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay iyo Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray

Nairobi 08. September 2017 (SDN/QJ):- Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka Bay ayaa la sheegay in lagu dilay saddex ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab.

War ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu dhacay subaxnimadii shalay.

 

Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

 

Waxa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

 

Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Comments are closed