Doodda Qalbi Dhagax: Shan arrimood Dawladda Federaalka Somalia aanay Wax Sharaxaad ah ka Bixin (Akhriso)
Muqdisho 08. September 2017 (SDN/QJ):- Shir aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirada ka yeesheen Qalbi Dhagax ayaa markii dambe laga soo saaray war saxaafadeed, waxaana warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.
Golaha wasiirada ayaa sheegay in dhiibistii Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood, Qalbi Dhagaxna uu ahaa nin Alshabaab xiriir la ah oo argagixiso ah.
Haddaba inkasta oo ay dowladda ka jawaabtay su’aalo badan oo la’is weeydiinayay haddane waxa ay abuurtay su’aalo hor leh , kadib markii uu war saxaafadeedka akhriyay, wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waa uu ka gaabsaday in uu wax su’aalo ah uga jawaabo warbaahinta, sidaasi darteed waxaan xagga hoose ku lafo gureynaa dhawr arrimood oo aysan dowladda ka hadlin.
Maxay dowladda ugu qaadatay waqtiga dheer ?
Wax ka badan labo todobaad ayay dowladda ku qaadatay in ay ka hadasho arrinta Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax , dhiibistii loo dhiibay dowladda Itoobiya. Waxayna dad badan isweeydiiyaan sababta waqtigaasi dheer ay u qaadatay haddiiba ay sidan dowladda ugu sahlanayd , uguna kala caddayd dhiibista Qalbi Dhagax sida ku cad qoraalka ay soo saartay.
Markii Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre meel fagaaro ah lagu weeydiiyay Qalbi Dhagax waxaa hadalka qaatay taliyaha nabada suggida Cabdullaahi Sanbaloolshe waxa oo sheegay “in aysan jirin cid ka hadli karta arrinta, tahay mid xasaasi ah, isaga oo sii raaciyay in xitaa madaxweynaha uusan ka hadli karin”.
Su’aasha waxa ay tahay, haddii uu jiray heshiis ay dowladda u cuskatay dhiibista Qalbi Dhagax,ahaana qof dambiile ah, maxaa keenay in taliyaha sidaas u hadlo ?
Wasiirka shirka jaraa’id ee uu maanta qabtay kuma uusan sharrixin sababta ay wakhti dheer u qaadatay.
Heshiisyada ay dowladda cuskatay ma yihiin kuwa sharci ah ?
War saxaafadeedka dowladda waxa ay ku sheegtay in dhiibista Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci ah, oo waafaqsan labo heshiis oo horay u kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, labada heshiis ayaa kala ahaa kuwa hoos ku qoran.
.Heshiis la saxiixay 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
.Heshiis kale oo la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.
Haddaba waxa ay su’aashu tahay heshiisyadan ma yihiin kuwa sharci ah?
Sakariye Yuusuf oo ah garyaqaan Soomaaliyeed ayaa BBC-da u sheegay in heshiisyada ay dowladda soo xigatay aysanba ka hadlaynin dambiilayaal la isku dhiibo, baarlamaana aan la horkeenin.
“Caadi ahaan waa in uu jiraa heshiis labada dowladood u dhaxeeya , waaba in baarlamaanka uu ansixiyaa, mana ka war hayo heshiis wadadaas maray oo loo cuskan karo in Qalbi Dhagax loo dhiibo” ayuu yiri Sakariye.
Sidoo kale labo ka mid ah wasiiradii hore ee Soomaaliya ee dowladda sheegtay in ay heshiiska galeen ayaa labaduba beeniyay in ay heshiisyo saxiixeen.
Mahad Salaad oo horey u ahaa wasiirkii madaxtooyada oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in heshiiska ay dowladda sheegtay uu ahaa mid beelo daris ah ay wada galeen oo kala degen xudduuda labada dhinac.
Cabdikariim Xuseen Guuleed oo isna dowladda sheegtay in uu Itoobiya heshiis la saxiixday ayaa BBC-da u sheegay in in heshiiska ay wada saxiixdeen labo beelood, meelnana aysan kaga jirin in ONLF ay tahay urur argagixiso, iyo sidoo kale qodob ka hadlaya in eedeysanayaal la’isu wareejiyo.
Waxaase arrimaha sii calwinaya in dowladda aysan soo bandhigin nuqulada heshiisyada la galay, dowladdii horana ma aysan soo bandhigin.
Haddaba dowladda ma daabici doontaa heshiisyadaasi hore iyo kuwa cusub ee la galay, mana horgeyn doontaa baarlamaanka?
Haddii uu dalka dambi ka galay maxaa dalka loogu maxkamadayn waayay?
Dowladda waxa ay Qalbi Dhagax ku eedeysay in uu xiriir la lahaa Alshabaab, dalkana ka gaystay dambiyo badan.
War qoraal ah oo kasoo baxay ururka Alshabaab ayaa lagu beeniyay in ay wax xiriir la leeyihiin ururka ONLF iyo Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
Haddiise ay jirto sida ay dowladda sheegayso oo Qalbi Dhagax uu dambi ka galay dalka, xiriirna la lahaa Alshabaab , waxaa la is weydiinayaa maxaa dalka gudihiisa loogu maxkamadayn waayay oo loogu wareejiyay dowladda Itoobiya?
Waxaa kale oo jirta in Qalbi Dhagax uu ahaa mas’uul sare oo ka tirsan ONLF oo ah jabhad siyaasadeed, xitaa haddii ay dowladda u aqoonsantahay in uu yahay muwaadhin Itoobiyaan ah, sharciga caalamiga ah , gaar ahaan heshiiskii Geneva waxa uu mamnuucayaa in dowlad ay dhiibto qof dalkeeda soo magangalay sababo siyaasadeed awgeed, sida uu sharaxay Sakariye Yuusuf oo sidoo kale ah falanqeeye ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee ICG.
“Laakiin wali waxaa jira waxyaabo shuruudo ah oo uu leeyahay qaanuunkaasi caalamiga ah, shuruudaasina waa in uu jiro heshiis labada dowladood ay isugu wareejin karaan dad eedeysanayaal ah, oo uu baarlamaanka ansixiyay, taasna hadda ma muuqato” ayuu yiri.
Waxaa arrinta sii murjinaya xaqiiqda ah in Cabdikariim markii la qabanayay uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya, oo ay soo qabteen ciidamada Soomaaliya, mana jirin dambi uu galay oo ay dowladda horay u sheegtay ama xog ay baahisay oo ku saabsan in la raadinayay.
Maxaa keenay kulanka aan caadiga ahayn?
Haddii dowladda sida ay sheegtay dhiibista Qalbi Dhagax ay u cuskatay heshiisyo horay u jiray, maxaa keenay shirka aan caadiga ahayn ay golaha wasiiradda arrinkan oo qura ka yeesheen?.
Sida ku qoran war saxaafadeedka soo baxay, golaha wasiirada waxa ay dood ka yeesheen dhiibista Qalbi Dhagax, waxaa sidoo kale golaha loo soo bandhigay waxa uu sharciga ka qabo dhiibista, taas waxa ay muujinaysaa in golaha ay arrintan isku waafaqeen oo kaliya kadib markii la dhiibay ninkii.
Caadi ahaan shirka golaha wasiirada waxaa la qabtaa maalin kasta oo khamiis ah, in shir aan caadi ahayn arrinka Qalbi Dhagax laga qabtana waxa ay muujinaysaa culeeska ay arrintan leedahay illaa heer lala sugi waayay Khamiista.
Yaa ONLF argagixiso ahaan u aqoonsan>
Qoraalka dowladda waxaa lagu sheegay ”…… ururada argagixsada sida AL Shbaab iyo ONLF. Dowladda Soomaaliya ma ONLF bay u aqoonsan tahay inuu yahay urur argagixso. Wasiir yarsioow arrintaa faahfaahin kama bixin. Balse haddii ay sidaa tahay waa markii ugu horreysay oo uu dal u aqoonsado ONLF urur argagixiso ah marka laga soo tago Itoobiya.
Madaxda ONLF, iyo inta badan xubnahooda waxay u badan yihiin qurboa joog ku nool gobolka iyo qurbaha sida Ameerika iyo Yurub.
Sidoo kale Kenya oo daris la ah Itoobiya, uuna ka dhaxeeyo heshiis amni oo rasmi ah, ma jiro wax talaabo ah oo ay Itoobiya ugu dhiibtay qof ONLF ka tirsan, waxaa xitaa dhacday in markii lagu eedeeyay sirdoonka Itoobiya ay Kenya dhexdeeda ka afduubteen xubno ONLF ah, in dowladda Kenya ay codsatay in xubnahaas dib loosoo celiyo.
XIGASHO: BBC