|

Taariikhda Musilmiinta Myanmar Ama (Burma), Tiradooda Iyo Sababta Ka Danbaysa Gumaadkooda (Warbixin)

Myanmar 08. September 2017 (SDN/QJ):- Myanmar ( BURMA), waa wadan ku yaala koonfur bari Aasia wuxuu xuduud la leeyahay Bangladesh, China, Laos, iyo Thailand.

Cabirka dhul ahaaneed ee Myanmar waa 676,578 square kilo meter, wuxuuna ku cabir yahay wadanka France.

Tirada dadkiisu a waa 52 million, Magaca Waddanku Waa Jamhuuriyada Myanmar Republic of the Myanmar.

1989 ayaa laga badalay magaciisii hore ee Burma. Wadanka Myanmar xurnimadiisa wuxuu qaatay 1948, wuxuuna ka qaatay wadanka ingariiska.

Caasimadiisa………. Naypyidaw

Madaxweynaha ……. Htin Kyaw

Lacagtooda …………. Burmese Kyat

Luqadooda ………….. Burmese.

WAA KUMA ROHINGYA?

Waa dad muslimiin ah kuwaasoo ku nool wadan dadkooda ugu badan eey yihiin BUDDIST loona yaqaan Myanmar ( BURMA)Dadka Rohingya waxa lagu tilmaamaa iney yihiin dadka ugu badan aduunyada ee loo dhibaateeyo diin ahaan, qowmiyad ahaan, iyo siyaasad ahaan.

Dadka Rohingya ee ku nool Myanmar tiradoodu waa 1.1 million, lkn tiradooda guud waa 2,229,000, luqada ay ku hadlaana waa Ruaingga loomana tixgaliyo iney ka midyihiin qowmiyadaha dalkaasi ku noo oo tiradoodu gaareeso 135 qowmiyadood.

Si lamida qowmiyada Rohingya waxaa loo diidana iney qaataan dhalashada dalkaas ilaa 1982 markaasoo loo aqoonsaday iney yihiin dad aanan wadan laheyn.

 

HALKEE AEY KA YIMAADEEN ROHINGYA?

Muslimiinta waxa eey ku noolaayeen meesha hada loo yaqaano Myanmar ilaa qarnigii 12-aad (1,100 ilaa 1,200), taasoo laga soo xigtay taariikh yahano Rohingy ah.

Inta lagu guda jiray 124 sano ee British ku gumeysanayay Myanma(1824 – 1948) waxaa jiray tiro muhaajiriin shaqaalo ah kuwaasoo hada loo yaqaano Myanmar waxey ka soo haajireen India iyo Bangladesh, sababtoo ah maamulkii British ka ahaa ee Myanmar xukumaayay wuxuu hoos tagay India.

Muslimiintii iyo dadkii ku noolaa Myanmar gumeystihii ka hor waxaa ka tiro batay dadkii soo haajiray dalkoodana waxey ka noqdeen minority.

Markey xurnimada qaateen kadib xukunka dalka wuxuu gacanta u galay dadkii usoo haajiray dalkaas waayo majority ga dalka ayaga ayaa noqdeen waxeyna isku sifeeyeen iney yihiin dadka dalkaan loogu yimid.

Dowladii markaasi jirtay oo u badneed Buddist waxey u aragtay sharci daro dadkii dalkaan usoo haajiray intuu British ka gumeysanaayay waxeyna u diiday sharcigii muwaadinnimo ee wadankaas.Dadka eey markaas ku tilmaamtay iney yihiin dadka dalkaas usoo haajiray majority goodu wuxuu ahaa Rohinga.

Muslimiinta Rohingya dalkaasi waxey ku noolaayeen qarnigii 12-aad, British kana wuxuu dalkaasi qabsaday qarnigii 19-aad. Farqiga meeshaas kaaga soo baxaaya waxey u dhacesaa sida-tan, dadka muslimiinta ee Rohinga iney Myanmar ku noolaayeen gumeystihii ka hor 7 qarni , yihiina dadka asal ahaan dhulkasi leh xoogna looga qaatay dhulkooda.

Buddist yaasha dalkaasi Myanmar ka arimiya oo Muslim naceybka ka buuxo, dadka Rohingya waxey asalkoodu ku tilmaamaan iney yihiin Bengali, xaqna u laheyn iney ku noolaadaan dalka Myanmar waayo waxey u diideen sharcigii muwaadinnimo, adeegii dowladeen iyo fursadihii shaqo eey xaqa u lahaayeen. Taa waxey ugu badaleen iney dalka ka baro kiciyaan, xasuuqaan, guryahana ka gubaan.

Ma jirto ilaa hada cid ka hadashay xasuuqa loo gaysto dadkaas muslimiinta U.N, wadamada islaamka, iyo beesha caalamka tooni, marka laga reebo madaxweynaha dalka Turkishka TAYIB RAJIB ORDOGAN Iyo Madaxweynaha Dalka Iran XASAN ROOXAANI.

Waliba madaxweyne Ordogan wuxuu sheegay inuu taallaabo military oo uu dadkaa muslimka ah ku difaacayo uu dhaqso u qaadi doono hadii ay U.Nta iyo beesha caalamku ay deg-deg wax uga qaban waayaan, sidoo kalena wuxuu u diray laba diyaaradood oo gar-gaar ah.

Comments are closed