Midowga Yurub oo Adduun Dhaqaale oo Dhan 94 Malyuun oo Lacagta Euro ugu Deeqay Waddanka Tuunis & Waxa lagu qabanayo
Tunis 08. September 2017 (SDN/QJ):- Midawga Yurub ayaa ugu deeqay dalka Tuunis Mashaariic dhinaca horumarinta ah oo ku kacaya aduun dhan Afar iyo Sagaashan(94)Malyuun oo Euro sidaasina waxa sheegtey wakaaladda wararka dalka Sucuudiga.
Mashaariicda lacagtaasi loo qoondeeyey in lagu fuliyo ayaa waxa ay kala yihiin dhinacyada Caafimaadka iy maamulka Guud ee dalkaasi. Heshiiska mashaariicdan lagu ogolaaday ayaa waxa dhinaca dalka Tuunis u saxeexay Wasiirada Arimaha dibadda iyo Caafimaadka.