|

Xisbiga Ucid oo Sheegay in Shaqaale ka Tirsan Wasaaradda Warfaafintu aanay Mushahar Qaadan,Isla Markaana Buriyey Hadalkii Wasiir Caddaani & Gudoomiyaha Kulmiye oo ay Ku eedeeyay Meel Ka Dhac uu ku sameeyay Gobolka Sool DAAWO

Hargaysa 07. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Ucid ayaa sheegay in Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland aanay Mudo ka badan Sanad qaadan wax Mushahar ah waxaa kale oo ay ka Jawaabeen Hadal uu Sheegay Wasiirka Warfaafinta oo xusay in  Xisbiyada Mucaaridku ay iska diideen Warbaahinta Dawlada.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdi ayaa Sidoo kale Waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku dhaliilay hadal ka soo yeedhay oo uu ku sheegay inuu Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Cali Warancade ka codsaday inuu Wasaaradaasi u baneeyo Wasiirka haatan Mudane Yaasiin X. Maxamud Xiir Faratoon.

Comments are closed