|

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Somalia oo Shir Deg Deg ah ka Yeelanaya Go’aankii Dawlada Somalia ee Dhiibitaankii Qalbi Dhagax & Qodobo ay isla gaadheen DAAWO

Muqdisho 07. September 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah ka leh go’aanka kasoo baxay Xukuumada Soomaaliya ee ku aadanaa Dhiibistii Dowlada Itoobiya loo gacan geliyay in C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo katirsanaa Jabhada ONLF.

Golaha Wasiirada ayaa difaacay go’aankii ay ninkan ugu gacan galiyeen dowlada Itoobiya, waxa ayna ku eedeeyeen Qalbi Dhagax in uu xariir la lahaa Kooxda Al Shabaab sidoo kale amni daro ka waday gudaha Soomaaliya iyo Wadamo dariska ah.

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaato) oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kulan ku leeyihiin Hotel kuyaala magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in ka badan 60-Xildhibaan in ay ka arinsanayaan go’aanka kasoo baxay Xukuumada.

 

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in ay ka naxeen go’aankii shalay kasoo baxay golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in maalinta sabtida wax badana isbdeli doonaan marka uu furmo kulanka Baarlamaanka.

 

” Go’aanka kasoo baxay Xukuumada aad ayaan uga niyad jabnay hadii aan nahay Xildhibaanada , Maalinta Sabtida ayey wax kasta kala caddaan doonaan, marka ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federaalka isugu yimaadaan Kulankooda” Ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ku saxneed in dowlada Itoobiya loo gacan geliyo C/Kariin Qalbi Dhagax oo katirsanaa Saraakiisha ONLF, waxa ayna xukuumadu xustay in uu horey u jiray heshiis labada dowladood u dhaxeeyay.

Comments are closed