Madaxweynihii Hore ee Gal Mudug oo Iftiimiyey Heshiis uu Hore ula Saxeexday Itoobiya oo ay Dawlada Federaalku daliishatay DHAGAYSO
Muqdisho 07. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Mudane C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa goordhaw ka hadlay go’aankii maanta kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ee ku aadanaa Kiiska C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax.
War-Saxaafadeedka Xukuumada soo saartay ayaa waxaa ku xusnaa in Madaxweynihii hore ee Galmudug isaga oo matalaya Soomaaliya uu saxiixay in Itoobiya iyo Somalia ay si wada jir ah isaga kaashanayaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal.
C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa beeniyay in uu jiro Heshiis oo ku matalayay Dowlada Soomaaliya uu saxiixay, waxa uuna tilmaamay in heshiiska uu galay uu ahaa mid ku saabsanaa Dajinta xasarad qabaa,il oo ka taagneyd xuduudda balse uusan jirin heshiis ku aadan is dhaafsi Maxaabiis.
Halkan ka Akhriso Qoraal uu C/Kariin Guuleed soo dhigay bartiisa Facebook
Nin Daad Qaaday Xunbo Cuskay:
Waxaa wax lala yaabo ah in Xukuumadda Soomaaliyeed qaladkii ay gashay ay rabto inay cuskiso kulana galgalato dad aan shaqo ku laheyn iyo in waliba qaladkii mid ka sii weyn oo sida muuqato lagu xalaaleynayo in dad kale oo nooc kasta ah lagu laayo laguna sii dhiibo, Haddaba maadaama aan ka mid ahay dadka magacooda lagu xusay Warmurtiyeedka Golaha Wasiirada Shirkoodii maanta waxaan halkaa ku cadeynayaa Arimaha soo socda.
- Ma jiro heshiis aan ku matalayey Dowladda Soomaaliyeed oo aan la galay Dowladda Itoobiya, anigu waxaan matayey Maamulkii aan Madaxda ka ahaa ee Galmudug, maadaama aan Maamulkaa matalayeyna Dowladda Dhexe heshiis uma soo qaadin umana soo qaadi karin.
- Heshiiskeeni waxuu ku saabsanaa Dajinta xasarad qabaa,il oo ka taagneyd xuduudda, ee marnaba kuma saabsaneyn:
- Isweydaarsi Maxaabiis iyo isku gudbin Danbiilayaal toona.
- In Ururka OLNF uu yahay Urur Argagaxiso waayo anigu Ururkaas uma aqaano uma aqoonsani Urur Argagaxiso ah sidoo kale Ururka OLNF uma aqaano UBBO ee waxaan u aqaana Urur u halgamaya Qadiyad uu leeyahay, urur kastana sax iyo qalad waa yeelan karaa.
Waxaa xusid mudan in markaan joognay Jigjiga aan mowqif cad iska taagnay arinka in heshiiska lagu daro in Ururka OLNF uu argagaxiso yahay.
Haddaba waxaan dhihi lahaa go,aanka golaha Wasiirada iyo isku daygooda inay cuskiiyaan heshiiskaas waa Nin Daad Qaaday Xunbo Cuskay.