Lacag Abaal Marin Ah Oo Lagu Bixinayo Cida Keenta Xogta Hogaamiye iyo Xubno Kale Oo Ka tirsan Ururka Al Shabaab
Nairobi 07. September 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Kenya ayaa baadi goob xoogan ugu jirta soo qabashada ama dilka dagaalyahano iyo hogaamiyaal katirsan kooxda Al Shabaab , waxa ayna inta badan xubnahan kasoo jeedaan dalka Kenya.
War kasoo baxay booliiska dalka Kenya ayaa lagu balan qaaday lacag abaal marin ah oo la siinayo cidii keenta xog lagu qaban karo ama lagu dili karo 8-xubmood oo katirsan Al Shabaab uu ku jiro Axmed Iimaan Cali oo ah Hogaamiyaha Shabaabka Kenya ka dagaalama.
Kenya ayaa balan qaaday in lacag gaareysa 160,000 oo Dollar ku bixineyso helida xogta xubnahan katirsan Al Shabaab, oo la tihmayo in ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka Kenya ay asal ahaan kasoo jeedaan.
Hogaamiyaha dagaalyahanada Al Shabaab ee ka dagaalama dalka Kenya Axmed Iimaan ayaa la rumeesan yahay in keymaha Boni ku heysto dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo mararka qaarkood weeraro ka fuliya gudaha Kenya.
Dowlada Kenya ayaa marar badan lacago abaal marino ah dul dhigtay madaxyada xubno katirsan Al Shabaab, waxaana Kenya weeraro kala kulmeysaa dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugan gudaha Kenya iyo kuwa mararka qaar xadka kasoo talaaba.