|

Dawlada Koloombiya ayaa sheegtay inay xabbad joojin ku meel gaadh ah la gaadhay jabhada mucaaradka ee ELN

Kolonbiya 07. September 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Kolonbiya ayaa Shaacisay inay Gaadheen Jab’hada dalkaasi ka dagaalanta ee Magaceeda loo soo Gaabiyo ELN heshiis Xabad Joojineed.

Dhinacooda jabhada ELN ayaa xaqiijisay jiritaanka heshiiskaasi.  Waa xabbad joojintii ugu horaysay ee labada dhinac ay gaadhaan in badan muddo 50 sanno ah oo khilaaf ka taagnaa.

Xabbad joojinta ayaa timid 48 saacadood ka dib markii uu dalkaasi booqday Baadariga madaxda ka  mad-habta Kootaliga ee Rooma pop Francis.

Madaxweynaha Koloombiya ayaa sheegay inuu heshiiska xabbad joojintu bilaabmi doono 1 Oktoobar ee sannadkan socona doona ilaa 12 Jeenaweri ee sannadka dambe.

Qoraal ay soo dhigeen bartooda Tuwiitarka jabhada ELN ayaa lagu sheegay inay u mahadcelinayaan dhamman dadkii ka soo shaqeeyey heshiiska laba geesoodka ah. Madaxweynaha Koloombiya Santos ayaa khubad uu ka jeediyey Tilifiishanka dalkiisa ku sheegay in mihiimada heshiisku yahay sidii shacabka looga ilaalin lahaa dhibta, inta mudadan lagu jirana waxa joogsan doona, afduubyadii, weeraradii lagu qaadi jiray dhuumaha saliida iyo colaadii kale ee shacabka faraha ba’an ku haysay.

Heshiiska ayaa yimid muddo ka dib markii dawlada Koloombiya iyo jabhadii Faak ay heshiis kala saxeexdeen, ka dibna ay xubnihii jabhadu u digo rogteen xisbi mucaarad oo ka qaybgala doorashooyinka dalkaasi. Heshiiskan dhexmaray dawlada iyo jabhada ELN ayaa qaatay wadahadal dheer oo socday habeen dhan oo labada dhinac ay doodayeen.

Comments are closed