|

Ciidanka RRU oo Xalay Gurigiisa kala Baxay Sheekh Aadan Sunne & Dhawaqa Rasaasta oo la Maqlayay

Hargaysa 06. September 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Niskii danbe ee Xalay ciidamada la dagaalanka Argagaxisada ee loo yaqaano RRU ay xabsiga dhigeen Sheekh Aadan Sunne oo kamid ahaa Culumada Caanka ah.

Ciidamada ayaa xalay u dhacay guri uu magaalada Hargeysa ka degnaa Shekh Aadan Sunne, waxaana ciidamada markii ay damceen in ay xidhaan wadaadka diidmo kala kulmeen dadka deegaanka oo ka hor yimid in wadaadka la xidho.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada RRU ayaa rasaas u adeegsaday sidii dadka u kala eryi lahaayeen waxa ayna ugu dambeyn gurigiisa kala soo baxeen Sheekh Aadan Sunne oo hada ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Wali si rasmi ah looma oga sababta loo xidhay Wadaadkan oo ah nin aan la gamban fikradihiisa mararka qaarna dhaliil usoo jeediya Xukuumada Somaliland, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Sheekh Aadan Maalintii Ciida uu dhaliilay Dhallinyaro dab rid ku samaynayay deegaanka Uubaale ee Duleedka Hargaysa.

Sheekh Aadan Sunne ayaa marar badan lagu xidhay magaalada Hargeysa, waxaana markii ugu dambeyay lagu sii daayay cafis uu u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Comments are closed