“Markaad Jaamacadaha Dalka eegto waxaad Ogaanaysaa inay Camuud Jaamacad tahay…” Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam DAAWO
Boorama 05. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa horumar Wax-barasho ku ammaantay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama marka loo eego heerkeeda Waxbarasho iyo Tayada Ardayda ka baxda, marka la barbar-dhigo Jaamacadaha kale ee Somaliland ka jira.
Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay marka Kaamboownka Camuud Qofku galo inuu garanayo inuu Jaamacad joogto, marka loo eego Nidaamka Maamul, Dhisme iyo Akhlaaqda Ardayda ku jirta iyo weliba sida ay u Dhaqmaan Ardaydu, marka la barbar-dhigo Jaamacadaha kale ee dalka ka jirana ay iyadu u muuqanayso mid la mid ah Jaamacadaha dunida ka jira oo kale.
Sidaa waxay Wasiirka Maaliyadda Somaliland ku sheegtay Hadal ay ka jeedisay Xaflad loo sameeyey Qalin-jebinta Toddoba Boqol oo Arday oo dhammaystay Kulliyadaha kala duwan ee Camuud, taas oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda ee Duleedka magaalada Boorama, waxaanannu Hadalka ay Wasiir Samsam ka jeediyey Munaasibaddaa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-