Qaramada Midoobay oo Ka arrinsanaya Tijaabadii Gantaalkii Lixaad ee Waqooyiga Kuuriya Tijaabisay
New York 05. September 2017 (SDN/QJ):- Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa bilaabay inay yeeshaan kulan degdeg ah si ay heshiis uga gaadhaan jawaabta laga bixinayo tijaabadii qumbulada haydarojiinta ee ay dhowaan samaysay kuuriyada waqooyi, xilli ay soo kordhayaan dalabyada ah in cunoqabatayn cusub la saaro.
Kulanka magaalada Newyork waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay taagan tahay xaalad deganaansho la’aaneed oo ka dhalatay tijaabada qumbuladaasi, xilli ay Kuuriyada koonfureed-na sheegayso in waqooyiga kuuriya diyaarinayaan tijaabo cusub oo gantaalaha balaastikada ah.
Sarkaalka qaramada midoobay u qaabilsan xafiiska arimaha siyaasadda mr Jeffrey Feltman la hadlayey dalalka 15 ah ee xubnaha golaha amniga waxa uu weydiistay in ay talaabada ku habboon ka qaadaan nadaamka ka taliya kuuriyada waqooyi, qaramada midoobayna ay doonayso in kuuriya laga qaado talaabooyinka ugu adag.