|

Gudoomiyaha Sanadlaha ah ee Qaarada Africa oo Hawraarsan Ku soo Dhaweeyay Go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya

Addis Ababa 05. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Ginie Alpha Konde oo haatan ah Gudoomiyaha sanadlaha ah ee qaaradda Afrika ayaa soo dhoweeyey go’aanka Maxkamada Kenya ee dib ugu celinta tartankii doorashada madaxtinimada ee Dalkaasi.

Mr Konde waxa uu sheegay in talaabadaasi sharaf u tahay qaaradda Afrika isla markaana ka markhaati kacayso sida ay Dimuqraadiyadu uga hirgashay gudaha qaaradda Afrika.

sida la ogyahay Maxkamada sare ee Dalka kenya ayaa dhowaan go’aamisay in doorashadii dhacday aanay waafaqsanayn xeerka doorashooyinka waxana ay amartay in muddo lixdan maalmood ah gudahood lagu qabto doorasho cusub.

Comments are closed