|

Dawlada Ruushka oo si adag u Canbaaraysay Go’aan dalka Maraykanku Albaabada ugu Xidhay Qunsuliyad iyo Laba Xarumood oo Ruushku lahaa

Moscow 05. September 2017 (SDN/QJ):- Dalka Ruushka ayaa si adag u canbaareeyey qaraarka Maraykanku albaabada ugu xidhay saddex ka mid ah goobaha diblumaasiyadeed ee ay ku lahaayeen dalkaas.

Ruushku waxa uu ku tilmaamay qaraarka Mareykanka inuu yahay mid  xad gudub ku ah qawaaniinta dawliga ah, waxaanay xukuumadda Mosko ku tilmaantay qaraarka  Maraykanku inuu yahay cadawtinimo qaawan.

Maraykanka ayaa isagu soo saaray qaraar  amraya in albaabada loo xidho qunsuliyadda Ruushku ku leeyahay Saan-faransiisko iyo laba dhisme oo ay deganaayeen guddiga ganacsiga Ruushka, oo ku kala yaala Washington iyo New York, talaabadaasi Maraykanka oo ka mid noqonaysa waxyaalaha sababay inuu xumaado cilaaqaadka labada dal.

Comments are closed