Waa Intee Awooda uu Leeyahay Gantaalkii Nukliyeerka qaada ee Waqooyiga Kuuriya Tijaabisay?
Hargaysa 05. September 2017 (SDN/QJ):- Gudiga gaashaandhiga Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa ay sheegeen in culayska iyo awooda qaraxa uu gaarayo 100 kiilo tan.
Tobankii sano ee ugu danbaysay Kuuriya waqooyi waxa ay tijaabisay hub Niyukleer ah oo awooda qaraxiisu kala duwanaa.
Waxa ay xukuumada Kuuriyada wuqooyi sidoo kale kordhisay awooda qaraxa hubka Nukleerka.
Sanadii 2006 heerka awooda qaraxa nukleerkii ay tijaabisay Kuuriyada waqooyi ayaa dhanaa 4.3 cabirka lagu qiyaaso awooda qaraxa .
Kuuriyada waqooyi ayaa tijaabadan ay samaysay waxaa la sheegay in uu awooda qaraxa uu gaaray cabirkiiisa 6.3.
Wadamada Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ilaa iyo imika si kulul u canbaareeyay tijaabada Nukleerka.
Sidoo kale Maraykanka iyo Ruushka ayaa canbaareeyay Tijaabadan Lixaad ee Gantaalka Nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya ay hawada u gantay.