” Dib u dhac ayaa ku dhimid Qalabkii DP WORLD ee Dekedda Berbera ” Maareye Xigeenka Berbera DAAWO
Hargaysa 04. September 2017 (SDN/QJ):- Mudo ku siman Lix Bilood iyo Dheeraad ayaa laga Joogaa Markii Maamulka Dekeda Berbera ay si rasmi ah ula wareegtay Shirkada laga Leeyahay Dalka Isu taga imaaraadka Carabta ee DPW.
Horumar badan oo hore loo shaaciyey in Shirkadani ku samaynayso dekeda ayaan ilaa hada waxba ka hirgalin taasi waxay keentay inay soo baxaan Cabashooyin badan oo ay tirsanayaan Ganacsatada wax kala soo degta Dekeda Berbera oo Sheegay in adeegooda Ganacsi ay ku daahaan dekeda isla markaana Shaqadu sidii la rabay aanay u Socon Isla Markaana La Kordhiyey Khidmada Lacageed ee laga qaado,Waxay Ganacsatadu sheegeen in Markii Hore ee Somaliland dekeda maamulaysay uu adeegeedu wanaagsanaa Marka loo eego maanta oo Shirkada DPW ay Maamulayso.
Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan Maareeye Ku Xigeenka Dekeda Berbera ayaa ka hadlay arrimahaas waxaa kale oo uu ka jawaabay maadaama shirkada DPW uu Maamulkeedu gaar yahay nooca shaqada uu qabto ee Maareeye Ku Xigeenka Dekeda Berbera.