|

‘’Xisbiga KULMIYE Ee Aan Xubinta Ka Ahayna Waxa Uu Dedaal U Galay Oo Uu Hindisay In Gobolka Awdal uu helo Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada’’ Mudane Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle DAAWO

Boorama 04. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa Khubad Ka Jeediyey Magaaladda Boorama oo Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye ay u Galbiyeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa dareen farxad iyo qadarin leh kaga fal-celiyey soo dhawaynta baaxadda leh ee loo muujiyey kadib waxa uu tilmaamay oo uu ku dheeraaday kaalintii xisbiga KULMIYE iyo murrashaxashixiintiisu ku lahaayeen guushiisii golaha dhexdiisa, isagoo bulshadana ugu baaqay inay xil gaar ah iska saaraan inay abaalkaas u gudaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE waqtiga doorashada, waxaannu yidhi, “Kursigan muddo badan baynu  u halgamaynay, tabashadaadana qofka ka garaaba, kugula hawlgal ee kula halgamaa abaal inuu kugu leeyahay Aadamaha oo dhan baa qiraya, Golaha Wakiillada ee 82-ka mudane ah ee codka aqlabiyadda ah igu doortay laba xisbi bay u kala baxaan, aqlabiyadda aan ku soo baxayna xisbiga aad maanta u dabbaaldegaysaan (KULMIYE), ayaa iska lahaa, iskumana qaldana, anna waxaan doonayaa inaan halkan idiinka caddeeyo, xisbiga KULMIYE ee aan xubinta ka ahayna waxa uu dedaal u galay oo uu hindisay in Gobolka Awdal uu helo Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada, madaxweynaha qaranka, ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaana go’aamiyey oo aniga oo gurigayga iska fadhiya yidhi reer Awdal haka soo tashadaan ninkay u gartaan.”

Comments are closed