|

Jaaliyadda Turkiga ee Jarmalka oo Noqday Kuwii ugu Horeeyay ee Ka Gilgisha Xasuuqa Lagu hayo Muslimiinta Rohinga ee Burma

Berlin 04. September 2017 (SDN/QJ):- Jaaliyadda Turkiga Ee Ku Dhaqan Dalka Jarmalka Ayaa Mudaharaad Ka Hor sameeyey Safaaradda Miyanmaar Ay Ku Leedahay Caasimadda Dalka Jarmalka Ee Berlin Iyaga Oo Ku Muujinaya Sida Ay Uga Soo Horjeedaan Gumaadka Iyo Barakicinta  Lagu Hayo Muslimiinta Rohingyiinta Dalkaasi.

Mudaharaadayaashan Oo Ay Weheliyaan Ururada Rayidka Ah Ayaa Waxa Ay Siteen Boodhadh Ay Ku Qoran Yihiin “Hala Joojiyo Xasuuqa Iyo Gumaadka Dabar Jarka Ah Ee Lagu Hayo Muslimiinta Laga Tirada Badan Yahay Ee Miyanmaar”.

Waxa Kale Oo Ay Canbaareeyeen Mudaharadayaashu Falalka Jidh Dilka Iyo Barakicinta Ah Ee Ciidanka Miyanmaar Uu Ku Hayo Dadkaa Muslimiinta Ah Ee Rohingyiinta.

Wakaaladda Wararka Turkiga Ee Anadool Ayaa Waxay Sheegtey In Ciidanka Bilaysku Ay Aad U Xoojiyeen  Ilaalinta Amaanka Safaaradda Iyo Hareeraheedaba.

Tan Iyo 25-Kii Augost Ee La Soo Dhaafay Waxay Ciidanka Miyanmaar Tacadi Iyo Barakicin Guryaha Dab La Qabadsiinayo Ay Kula Kaceen Dadka Muslimiinta Rohingyiinta Dalka Barma Iyada Oo Ilaa Lixdan Kun Oo Qof Oo Dumar Iyo Caruur U Badani Ay U Qaxeen Dhinaca Dalka Bangaladhash.

Comments are closed