Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaalkii Lixaad oo Xambaari Kara Hubka Khatarta ah ee Nukliyeerka,Cuno-qabataynta Qaramada Midoobay Iyo Canbaaraynta Maraykanka
Pyongyang 04. September 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Mareykanka ayaa codkeeda ku dartay cambaareynta loo soo jeedinayo Kuuriyada Waqooyi taas oo tijaabisay wax ay ku sheegtay hub nukliyeer ah oo si fiican loo horumariyay.
Pyongyang ayaa sheegtay in ay si guul ah u tijaabisay bam nukliyeer ah oo ay xambaari karaan gantaalada ridada dheer.
Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in “hadallada iyo ficillada” Kuuriyada Waqooyi ay yihiin “kuwo colaad hurinaya oo khatar ah”
Kuuriyada Waqooyi ayaa iska dhegatirtay cunaqabateynta Qaramada Midoobay iyo cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan hubka nukliyeerka ah ee ay sameysanayso iyo tijaabooyinka ay ku sameynayso gantaallada ay suuragalka tahay inay gaaraan Mareykanka.
Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Ruushka ayaa dhammaantood si xooggan u dhaleeceeyay tijaabada lixaad ee nukliyeerka Waqooyiga.
Dhanka Kale Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump Ayaa Sheegay Inuu Todobaadkan Gudihiisa Wada Tashi Kala Yeelan Doono La Taliyihiisa Heshiiska Ganacsiga Xorta Ah Ee Dalkiisu La Saxeexday Kuuriyada Koonfureed Shan Sanadood Ka Hor,Taasoo U Muuqata Inuu Doonayo In Dalkiisu Ka Baxo Heshiiskaasi.
Tallaabadan M/Weyne Trump Ka Dhawaajiyey Ayaa Waxa Ay Ku Soo Begmaysaa Iyada Oo Ay Sii Kordhayso Xiisadda Ka Aloosan Mandaqada Jasiirad La Mooda Kuuriya.
Waxaana Donald Trump Hadalkani Ka Soo Baxay Maalin Ka Dib Markii Wada Hadal Dhex Marey Isaga Iyo Madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi Islamarkaasina Ay Labada Dal Kala Saxeexdeen Heshiis U Ogolaanaya In Kuriyada Woqooyi Hesho Sawaariikhda Ridada Fog Iyo In Hub Laga Iibiyo.