Maraykanka oo Joojiyey Taageeradii uu Siin Jiray Koonfurta Sudan Dagaalka Sokeeye ee Afar sano ka socda oo dad shacab ah lagu laayay
Juba 04. September 2017 (SDN/QJ):- Dalka Mareykanka Ayaa Sheegey Inay Joojinayaan Taageeradii Ay Siin Jireen Dalka Koonfurta Sudaan ee uu ka socdo Dagaalka Sokeeye Ee Afar Jirsaday Kaas oo Lagu laayay Dad Rayid ah.
Madaxa Wakaaladda Horuumarinta Caalamiga Ah U Qaabilsan Mareykanka Mr,Mark Gareen Oo Wada Hadal Kula Yeeshay Madaxweynaha Koonfurta Sodaan Mr,Salfakiir Magaalada Jubba Ayaa U Sheegey In Dalkiisu Ka Noqoayo Kaalmadii Uu Siin Jirey Waxaanuu U Soo Jeediyey M/Weyne Salfakiir In La Soo Afjaro Colaada Sokeeye Xabaddana Si Dhakhso Ah Loo Joojiyo.
Mr,Mark Oo Kulankiisa Uu La Yeeshsy Madaxweynaha Koonfurta Sodaan Uu Qaatey Muddo Afartan Daqiiqo Ku Siman Ayaa Waxa Kale Oo Uu Madaxweyne Salfakiir U Soo Jeediyey In Lala Shaqeeyo Wakaaladda Gargaarka Bani Aadanimo.