|

Maraykanka oo Shaaciyey inay Cuno-qabatayn Ku Soo Rogayaan Kuuriyadda Waqooyi Kadib Markii ay Shalay Tijaabisay Gantaalkii Lixaad ee Nukliyeer ah!!

Washington 04. September 2017 (SDN/QJ):- Maraykanku waxa ay sheegeen inay cunoqabatayn cusub ku soo rogayaan dawlada Kuuriyada waqooyi ka dib markii ay shalay samaysay tijaabadeedii nuclier-ka ee ugu cuslayd.

Wasiirka maaliyada ee Dalka Maraykanka Mr Steve Menuchin oo u waramayey telefishinka Fox News ayaa waxa uu sheegay inuu diyaarinayo qodobo ku saabsan nooca cunoqabataynta cusubi noqon doonto, isla markaana uu hordhigi doono Madaxweyne Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa jawaabtii ugu horaysay ee uu ka bixiyo tijaabada cusub ee nuclier-ka ee ay Kuuriya samaysay waxa uu sheegay in falalka ay kuuriyada waqooyi samaynaysaa ay yihiin falal cadaawadeed oo khatar ku ah Dalka maraykanka

Hadalka donald Trump waxa uu soo baxayaa iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay ku guulaysatay tijaabinta qumbulad haydarojiin ah oo noqonaysa tijaabadii lixaad ee dhanka nuclier-ka ah ee ay kuuriya samayso.

Comments are closed