“Siciid Cilmi Rooble Xildhibaannada & Xisbiga Waddani Isagaa Dhabar-jebiyey oo yidhi Kulmiyaa i dooranaya,Kulmiyena Muu Dooran” Xildhibaan Waabeeye DAAWO
Hargaysa 03. September 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye kana mid ah Mudanayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ugu Jira Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka hadlay Is casilaadii Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble uu Shalay kaga baxay Xubin ka ahaanshihii Xisbigaas.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa ka bixitaankiisa Xisbiga Waddani ka dambeeyey Xilka Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo bannaanaa, isla markaana uu shaaciyey inuu u tartamayo, kaasoo uu ka tanaasulay, isla markaana Musharrixii Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye watay u codeeyey Axaddii toddobaadkii hore oo la doortay Ku-xigeenka 1-aad, isaga oo markaa shaaciyey in Xisbiga uu ka tirsanaa ee Waddani dhabarka ka jebiyey oo uu kaga baxay taageeradii uu ka filayey.
Hase-yeeshee, Xildhibaan Waabeeye, ayaa sheegay inaanay Xisbiga Waddani iyo Xildhibaannada taageera ee Golaha Wakiillada ka tirsan midna kaga bixin hankiisa iyo rabitaankiisa Siciid Cilmi Rooble, balse Musharraxnimadiisu ahayd qorshe aan la isku ogayn oo uu isagu go’aankii iyo wixii ay isku ogaayeen Xildhibaannada Waddani iyo Xisbigoodu uu ka baxay oo uu dhabarka ka jebiyey.
Waxa uu Xildhibaan Waabeeye sheegay in Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ahaa Guddoomiyaha Xildhibaannada Xisbiga Waddani ee Golaha Wakiillada ku jira, isla markaana Xubintii Waddani ugu tartantay Jagada Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada Siciid soo jeedinteeda lahaa, la iskuna raacay inay jagadaas ku tartamaan laba Xildhibaan oo Reer Awdal ah, halka Jagada Guddoomiyahana loo daayey inay ku tartamaan laba Xildhibaan oo Reer Sool ah oo ku tartamay.
Balse Siciid markuu kulanka ay sida caadiga ah u yeelan jireen Xildhibaannada Waddani maalmo ka maqnaa ka dib, ay ku war-heleen inuu Musharrax yahay.
“Sidii caadiga ahaa fadhigii uu iman jiray ee Xildhibaannada Xisbiga Waddani ee uu iman jiray muddo dhawr maalmood ah markuu ka maqnaa, ayuun baa lagu war-helay Siciid Cilmi Rooble oo Musharrax ah jagada Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, wuxu yidhi; ‘Aniga Kulmiyaa I dooranaya, Kulmiye-na Siciid ma wadin ee wuxuu u ololaynayey oo wax walba dul-dhigay inuu Axmed-yaasiin soo saaro, Waddanina uma ololayn oo Kaadhka in Reer Awdal ku tartamaan ah ayuun baa la ciyaarayey.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.