Madaxweynihii la Riday ee Hirshabeele oo Loo Doortay inuu noqdo Madaxweyne Maamul Cusub oo lagu magacaabo Hiiraanland DAAWO
Beledweyne 03. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynihii dhawaan kalsoonida kala noqdeen Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo hada ku sugn magaalada Baladweyne ayaa loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha maamulka cusub ee Hiiraanland.
Munaasabad ka dhacday shalay magaalada Baladweyne ayaa lagu taageeray Siyaasada Cali Cosoble, waxaana munaasabada kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan Bulshada Baladweyne Sida Odayaal, Masuuliyiin iyo dhalinyaro.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Xildhibaanada maamulka Hirshabelle ay bur buriyeen nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay ee u yaalay Hirshabelle,
Waxa uuna sheegay Gudoomiyaha in maamulkaasi ay hada ka tashteen ayna u doorteen Madaxweynaha maamulka Hiiraanland Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble oo hada saldhig ka dhigtay magaalada Baladweyne.
Cali Cosoble ayaa ku sugnaa Munaasabada laga shaaciyay in loo doortay Madaxweynaha Hirshabelle inkastoo uusan wax hadal ah jeedin, hasa ahaatee dadkii ku sugnaa goobtaasi ayaa muujiyay in Madaxweyne cosoble ku qanacsanaa xilkan loo doortay.