Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta & Ku Xigeenkiisa Willima Ruto oo Budhcad ku Tilmaamay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Diiday Guusha Doorashadoodii
Nairobi 03. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ee doorashadiisa la diiday ayaa weerar afka ah ku qaaday garsooreyaasha Maxkamada sare ee dalkaasi oo natiijada doorashadii uu ku guuleestay waxbo kama jiraan kasoo qaaday.
Uhuru Kenyatta oo taageerayaashiisa kula hadlay suuqa Burma ee magaalada Nairobi ayaa burcad ku tilmaamay guddomiyaha maxkmadda sare dalka Kenya, David Maraga iyo garsooreyaasha maxkamada ee soo celiyay dooarshada.
Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Willima Ruto ayaa isna sheegay in afar qof oo uu ula jeedo garsooreyaashii xukmiyay go’aanka aysan bedeli karin go’aanka maalyiin shacab ah, waxa uusa tilmaamay in diyaar u yihiin doorasho kale .
Madaxwenaha Kenya ayaa horey u sheegay in uu kasoo horjeedo go’aanka ee Maxkamada sare ku baabi’isay guusha uu gaaray, balse uu ixtiraamayo una hogaasami doono go’aanka kasoo baxay Maxkamada sare.
Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarre Kenya ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaaday Guushii Dooarshada ee Uhuru , waxa uuna sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno ay hareyeen doorashada, isagoona amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.