|

Hogaamiyihii la Sheegay in la Dilay ee Ururka Daacish Abubakar Al baqdaad oo Hadana la Sheegay inuu Nool Yahay

Hargaysa 03. September 2017 (SDN/QJ):-Waxaa suuragal ah in hogaamiyaha ururka la baxay Khilaafada Islaamka uu weli nool yahay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka mid ah ciidamada Mareykanka.

Hadalkaas wuxuu khilaafayaa mid horey uu u sheegtay Ruushka oo ahaa in ciidankooda ay dileen Abubakar Al-Baqdaadi, ka dib weerar bishii May ka dhacay Suuriya.

 

Al-Baqdaadi waxaa laga yaabaa in uu isku qarinayo xuduudda u dhaxeyso Suuriya iyo Ciraaq, ayuu yiri Janaraal Stephen Townsend, oo ah taliyaha isbeheysiga la dagaallamayo kooxda Dowladda Islaamka.

 

Waxaa suuragal ah in uu ka qaxay weerarka ka dhanka ah kooxda ee looga qabsaday deegaano badan. Meesha uu ku nool yahay Baqdaadi lama ogeyn in muddo ah.

 

Bishii June, Ruushka ayaa sheegay in ay “aad suuragal u tahay” in Baqdaadi uu ku dhintay duqeyn ka dhacday Raqa oo ah caasimadda kooxda ee Woqooyiga Suuriya.

 

Markaasi ka dib, kooxo hubeysan ayaa duulaan ku ekeeyay magaalada, waxaana la qiyaasayaa in illaa 2,000 oo dagaal yahan oo daacish ah ay ku jiraan, kuna go’doonsan yihiin.

 

Waxaa horay u soo baxay warar kala duwan oo sheegayo in Baqdaadi uu dhintay. Laakiin, Janaraal Townsend wuxuu sheegay “Waxaa jiro calaamado muujinaya in uu weli nool yahay”.

 

“Maalinkasta waan raadinaa. Uma malaynaayo in uu dhintay,” ayuu u sheegay saxafiyiin.

Wuxuu ku celiyay in uusan “war ka hayn” meesha uu ku noolaa mudadan, hogaamiyaha ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.

 

“Meesha ugu dambeyso ee kooxda ay maamusho waxay noqondoontaa bartamaha wobiga Furaat,” ayuu yiri

 

“Markaan helno, waxaan isku deyeynaa in aan dilno ugu horeyn. Faa’iido kuma jirto in dhib loo maro sidii loo soo qaban lahaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Baqdadi waxaa la aaminsanaa in uu ku sugnaa magaalada Mosul ee Ciraaq, ka hor inta uusan billaaban duullaankii lagu qabsaday.

 

Markii ugu dambeysay ee la arkay waxay ahayd 5 July 2014-kii, waxyar ka dib markii daacish ay qabsatay magaalada Mosul.

 

Waa kuma Baqdadi?

 

Baqdadi, waa naaneystiisa, waxaana la rumeysan yahay in uu ku dhashay deegaanka Samarra ee Woqooyiga Baqdaad, sanadkii 1971.

 

Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii.

 

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq.

 

Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq.

 

Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii.

 

Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada.

 

Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi.

Comments are closed