|

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Right Watch oo ka Hadashay Xadgudubyo Xasuuq oo Loo Gaystay  Qoomiyada Rohinga ee Dalka Purma AKHRI

New York 03. September 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda Human Right Watch oo ka hawlgasha difaacida xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in sawiro cusub oo dayax gacmeedku soo qaaday muujinayaan in la gubay illaa 700 oo guri oo ku yaallay tuulooyinka ay degaan dadka u badan muslimiinta ee Dalkaasi Purma.

Warbixinta Hay’adani  waxa ay ku soo beegantay iyadoo illaa 27 000 oo qof oo muslimiinta qowmiyada Rohinga ee dalka Purma ay todobaadkan gudihiisa ka qaxeen xadgudubyada kaga imanaya millateriga dalkaasi oo ku eedaysan inay tuulo keliya ku dileen dad tiradoodu gaadhayso 300 qof, waxana dadkan ka cararaya colaadu ay u tallaabeen dhanka dalka Bangaladhesh

Qowmiyada buudiistaha ah ee Dalka Purma ayaa u aqoonsan in muslimiinta dalkaasi oo deegaan ku ah Gobolka Rakhiin ay yihiin qaxooti ka soo haajiray dalka Bangaladhesh.

GUJI HALKAN SI AAD WARBIXINTAN U AKHRIDO

Comments are closed